LABADA KUURIYA OO MARKII UGU HOREYSAY MUDDO SANNADO AH KALA QAADAAYA CIIDAMADA IYO HUBKA XUDUUDKA U DHEXEEYA YAALA.

0
17

Hargeysa(saxilnews.com)-Dawladdaha Kuuriyadda Waqooyi iyo Kuuriyadda Koonfureed  ayaa ciidamadoodii kala baxay 22 goobood oo ka mid ah xuduudka dalalkaasi u dhexeeya, kuwaas oo ay ka joogeen ciidamo aad u xoogani, waxa sidoo kale goobahaasi laga qaaday hubkii yaaley, sida ay sheegtay wasaaradda Difaaca ee Kuuriyadda Koonfureed .

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Difaaca dalka Kuuriyadda Koonfureed  oo lagu baahiyey wakaaladda wararka dalkaasi ee Yonhap News Agency  ayaa lagu sheegay in Kuuriyadda Koonfureed ay 11 meelood oo ay ciidamo iyo hub ka yaaley oo ah xuduudka ay la wadaagto Kuuriyadda Waqooyi ay kala baxday , halka ay sidoo kalena Kuuriyadda Waqooyi dhinaceeda kala baxday 11 meelood ciidamadii iyo hubkii ka yaaley.

Labadan dawladdood ayaa ciidamadooda ka qaadaaya goobaha sida adag loo ilaaliyo ee xuduudka ay wadaagaan ku taala , waxaanay arrintani ka dambaysay kadib markii ay heshiisyo hor dhac ah gaadheen labada dawladdood , waxaana la qorshaynayaa in ciidamadaasi  iyo hubkooda laga qaado goobo kale oo ku yaala xuduudka labada dal wadaagaan inta aanay dhamaan bisha November  .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here