Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday in uu ku biiro kooxda Barcelona inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan inkasta oo uu dalab waali ah iyo mushahar fiican ka helay kooxda ku guulaystay horyaalka La Liga.
Sida laga soo xiganayo wargayska Don Balon kooxda Barcelona ayaa dalab dhan 180 Milyan oo euro ka gudbisay adeega xiddigan reer Egypt inta lagu guda jiro suuqa xagaagan.
Sidoo kale Barcelona ayaa xiddiga miiska u saartay mushahar uu sanadkii ku qaadan lahaa lacag dhan 22 milyan oo euro sanadkii laakin xiddiga ayaa iska diiday in uu u dhaqaaqo Camp Nou.
Wargayska ayaa sheegaya in uuna Mohamed salah haatan ka fikirayn in uu ka tago kooxda Liverpool waliba heshiis cusub u saxiixa kooxdiisa kadib markii uu dalabkaas diiday.
Sababta ayuu Wargayska ku sheegay in uu Salah u diiday Messi dartiis isaga oo ka cabsi qaba in uu saamayn ku yeesho qaab ciyaareedkiisa.
Salah ayaa kooxdiisa heshiis cusub u saxiixa kaas oo uu ku joogi doono ilaa xagaaga 2023 isaga oo ka mid noqday xiddigaha ugu mushaharka badan Liverpool.
25 jirka reer Egypt oo tababarka ku soo laabtay jimcihii ayaa isku diyaarinaya in uu todobaadka dambe kulankiisii ugu horeeyay u safto Liverpool tan ilaa markii uu dhaawac garabka ahaa uga baxay Finalkii champions League