Kuuriyada Waqooyi Oo Hanjabaad Kulul U Dirtay Mareykanka

0
17

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay inuu soo afjarayo hakinta nukliyeerka iyo tijaabada gantaallada riddada dheer, sidii la isku afgartay wadahadalladii uu dalkiisa la yeeshay Mareykanka.

Mr Kim ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisa uu dhowaan soo saari doono “hub cusub”.

Balse wuxuu albaabbada u furay wada xaajood, isagoo sheegay in xaddiga tijaabada hubkiisa ay ku xidhnaan doonto sida uu Mareykanku u dhaqmo.

Wadahadalladii Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa burburay iyadoo xukuumadda Washington ay ka biya diidday inay cunaqabateynta ka qaaddo Kuuriyada Waqooyi ilaa ay Pyongyang si buuxda u joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhowr gantaallo tijaabisay dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2019, tijaabadaas oo loo arkayay inay cadaadis ku saareyso Mareykanka.

Balse joojinta tijaabada nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer ee gaari kara dhulka Mareykanka, waxay aasaas u ahaayeen wada xaajoodyadii uu dalkaasi la yeeshay Mareykanka.

Pyongyang ma aysan fulin tijaabooyin noocan ah tan iyo sanadkii 2017. Tijaabo dheeraad ah oo ay sameyso ayaa laga yaabaa inay caro geliso madaxweyne Donald Trump, iyadoo Mareykanku uu galayo sanad doorasho.

Isagoo ka hadlayay shir dhif ah oo dhacay maanta, ayuu Kim Jong-un ku sheegay in Kuuriyada Waqooyi aysan sii wadi doonin ballanqaadkeeda, iyadoo Mareykanku uu dhoollatus milatari la sameynayo Kuuriyada Koofureed, isla markaana uu kordhiyay cunaqabateynta Kuuriyada Waqooyi.

Wuxuu sidoo kale ku hanjabay in “dunidu ay arki doonto hub cusub” oo ay Waqooyigu sameysato “mustaqbalka dhow”, balse wax faahfaahin ah kama bixin.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ma uusan carrabaabin magaca Donald Trump ama Kuuriyada Koofureed, taas oo dadka wax indha indheeya ay u arkeen inuu adeegsaday luqad jilicsan si ka duwan tii adkeyd ee bilihii la soo dhaafay uu adeegsan jiray.

Wuxuu ka hadlayay shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha xisbigiisa oo ka dhacay Pyongyang, kaas oo aan ahayn mid caadi ah marka loo eego xilligan. Caadi ahaan waxaa laga filayay Mr Kim inuu jeediyo khudbad ku saabsan Sanadka Cusub, balse wuxuu u muuqday inuusan taas sameyneyn sanadkan.

Isagoo ka jawaabaya hanjabaadihii ugu dambeeyay ee hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa Mr Trump wuxuu weriyeyaasha u sheegay in isaga iyo Mr Kim “ay saxiixeen qandaraas, kaas oo ku saabsanaa baabi`inta nukliyeerka”.

“Waxaan u maleynayaa inuu yahay nin ballan leh,” ayuu yiri, isagoo ku sii jeeday xafladda Sanadka Cusub oo ka dhacaysay Florida.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inuu rajeynayo in Kuuriyada Waqooyi ay nabad ka door bidi doonto dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here