KOOXDA AWOOD BADAN AL NUSRA OO ISKAGA BAXDAY SHABAKADA AL QACIDA.

0
23

Hogaamiyaha kooxda Al Nusra Front ee Al Qacidada wadanka Siiriya ayaa ku dhawaaqay inay ka goosteen oo ay si rasmi ah uga baxeen Shabakada Al Qacida oo ay horey uga tirsanaan jireen.

Abu Mohammed al-Jolani oo ah hogaamiyaha rasmiga ah ee Al Nusra ayaa markii ugu horeysay shaaciyey filim uu uga hadlayo go’aanka ay qaateen ee ka bixitaanka kooxda Al Qacida.

Go’aanka Nusra ayaa lagu sheegay in ay la xariirto in kooxda Al Nusra ay dooneyso inay hawlahooda ku ekeeyaan ama xooga ku saaraan dagaalka ka socda gudaha wadanka Siiriya, isla markaana isaga baxeen jihaadkii ay sheegeen inay waday shabakada Al Qacida oo dalal kala duwan ka hawlgasha.

Al Nusra ayaa sheegtay in go’aankan ay la socod siiyeen hogaamiyaha Al Qacida Ayman Al Zawahiri isla markaana uu aqbalay in kooxdooda ka baxdo Al Qacida.

Kooxdan ayaa sheegtay in isbaheysiga Maraykanka iyo waliba Ruushka ay duqeymaha ay la beegsanayaan siiriya mararsiinyo uga dhigtaan inay duqeenayaan kooxda Nusra maadaama ay xubin ka tahay Al Qacida arrintaasina dhibaato weyn kasoo gaartay dadka reer Siiriya.

Dagaalka Aleppo

Hadalka kasoo yeeray kooxda Al Nusra ayaa lagu soo beegay xili uu dagaal culus ka socdo magaalada Aleppo ee ah magaalada labaad ee wadanka Siiriya oo ay hada go’adoon geliyeen ciidamada Dowlada Bashar Al Assad oo taageero ka helaya Ruushka.

Magaalada Aleppo ayaa la sheegay inay kasii dhamaaneyso cuntada iyo raashinkii kaydka u ahaa, dowlada Bashar Al Assad oo waraaqo ku daadiyey qeybo kamid ah magaalada ee weli ku sugan yihiin xoogaga mucaaridka ayaa ugu baaqay inay isa soo dhiibaan, walow xoogaga mucaaridka ay sheegeen inay dagaalka sii wadi doonaan.

Al Nusra ayaa dhawaanahan la wareegtay deegaano kamid ah Waqooyiga iyo bartahama siiriya gaar ahaan gobalka Idlib, waxayna kooxda duqeymo xoogleh kala kulantay isbaheysiga Maraykanka diyaaradahooda iyo waliba Ruushka, mana cada go’aanka ay uga baxeen Al Qacida inay wax isbedal ah ku keeni doonto siyaasadii Maraykanka iyo Ruushka ay ku duqeenayeen dhulka ay kooxdaasi gacanta ku heyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here