Waftigan wasiirada ah oo iyaguna u baxaya dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa xoguhu Ramaasnews u sheegeen in la filayo in maalmaha soo socda oo waliba u badan Barri ama Saadanbe ay ka baxaan dalka Somaliland iyaga oo usii jeeda dalka Imaaraadka Carabta oo wakhti xaadirkan ay ku sugan yihiin wafti uu hogaaminayo madaxwayne Siilaanyo.
Waftigan wasiirada ah ee dalka ka baxaya maalmaha soo socda ayaa waxa hoogaaminaya sida naloo sheegay wasiirka wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire,waxaana qayb ka ah wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,Wasiirka ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed,Wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Aadan Ibraahin “Qabo”, wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe iyo xubno kale.
Ujeedada socdaalka waftigan wasiirada ah ayaa waxay xoguhu sheegayaan in uu daaran yahay sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxda dalka Imaaraadka Carabta Isla markaana ay ugala hadli lahayeen taageeradii ay u muujiyeen ka Somaliland ahaan xulufada ay hogaaminayaan Sucuudiga Iyo Imaaraadku ee go’doonka galiyey dalka Qadar.
Sidoo kalena xogaha Ramaasnews helayso ayaa waxay sheegayaan in waftigan wasiirada ah ay u safrayaan ilaa Dalka Sucuudiga iyaga oo sidoo kalena madaxda Sucuudiga kala soo hadlaya Taageeradan ay u muujiyeen iyo waliba xayiraada uu saaray dhoofka xoolihii laga dhoofin jirey Somaliland oo wali sucuudigu aanu xayiraadii ka qaadin,iyaga oo la filayo inay kala soo hadlaan sidi ay sucuudiga ugu soo qancin lahaayeen inuu xayiraada ka qaado Xoolaha laga dhoofiyo Somaliland madaama oo ay dhawaan bilaabmayaan dhoofka xooluhu.
Ilaa hadda lama garanayo natiijada kasoo bixi doonta kulamadan ay masuuliyiinta Somaliland ee uu hogaaminayo madaxwayne Siilaanyo la qaadan doonaan madaxda dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga.