Sidaynu ogsoonahay komishinka qaranka waxaa doortay oo isku raacay xukuumada, asxaabta iyo golayaasha qaranka, waxaanu qorshuhu yahay talaabo walba oo ay qadayaan inay la tashadaan cidii soo doratay.
Waxaynu ogsoonayn in komishinka uu abuuray khilaafkan taagan ee ah muddo kordhintan, khilaafkas oo u sabab ahaa inay komishin ahaan soo jeedintii ay lahayeen iyo sharci eegistii ay samayn lahayeen sameeyay muddo kordhin, dalkan waxuu leeyahay sharci lagu hago, sharcigaas waxuu siinayaa hay’ad walba awood ay ku maamusho shaqada ay qaranka u hayso,
Marlabaad waxaa soo kordhay khilaaf bulsho oo u muuqda mid dadka wada dego lagu colaysinayo oo ah wacyi galinta madaniga ah, wacyi galinta madaniga waxay ahaan jirtay tahayna dadka deeganka udhashay inay bulshadooda wacyi galiyaan shaqaalahana ay noqdaan qaar kala garanaya bushada ay wacyi galinayaan qaabka wax loogu sheegi karo sida saxda ahna wax u garsiyaan, waxaadse modaa in komishanka uu ka weecday arimahaa jira ee ah in wacyi galintan ay tahay mid siyaasad ah ayna ku baratamayaan siyaasiyiin cod doon ah, mar wax laga waydiyay komishinka arimahan khaldan ee bulshada colaysinaya waxay shegeen in hay’adii bixi naysay kharashka wacyi galinta ay sidan udhigtay iyaguna ay wax danbabasayaan intii karaan koda ah lakin bulshada ay ka hortimid arimahan sida khadlan usocda.
Waxay bulshada inteeda badan is waydinayaan hay’addaha waxay hoos tagaan Nickolas key, markaa komishinkeena miyaysan awood u lahayn bulshadooda waxa dhibaatada u keenaya intaysan bulshada soo gaadhsin ay soo miraan wax bulshada ay liqi kartana hor kenaan iyagana sumcadooda ku wanaagsanaato/
Anigoo ah madaxwaynaha mustaqbalka waxaan u arkaa komishinka inuusan wali fahan sanayn shaqada culus ee qaranka u igmaday una baahan yahaay training ku saabsan bulshadan qaabka loogu shaqeeyo xukuumad ahaan iyo asxaab ahaana ay training kaas bixiyaan.