Komishanka Xuquuqal Somaliland Oo Shaaciyay Siyaasiyiin Iyo Tujaar Kufsiyo Gaystay Oo Maxkamaduhu Sii Daayaan

0
17

Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Somaliland Mujaaid Maxamed Baruud Cali ayaa si adag waxa uu uga hadlay xaaladda caddaalad darro ee dalkeena maanta ka taagan iyo sida sharcigii dalka u yaallay uu kaliya u qabanayo dadka Nugul ee aan waxba haysan halka kuwii Ladnaa iyo Kuwii Siyaasiyiinta ahaa marka dambiyo culus galaan aanay daqiiqad ugu jirayn xabsiyada iyo maxkamadaha.
Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Mudane Maxamed Baaruud Cali waxa uu dhinaca kalena sheegay in Siyaasiyiin iyo Rag ganacsato ah oo waaweyn oo ku kacay falal xad-gudubyo ah oo Kufsi ahi aanay cidina waxba ka qaban maxkamaduhuna iska sii daayaan, intaana ay u ordayaan xildhibaanno iyo wasiirro, taa baddalkeedana dadka aan waxba haysani yihiin kaliya kuwa sharcigu qabto ee xabsiyada buux dhaafiyey.
Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland Mudane Maxamed Baaruud Cali waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay ka hadlayay kulan ka qabsoomay Caasimadda Hargeysa oo lagaga hadlayay tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda bani aadamka iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranku Mudane Maxamed Baaruud Cali oo Arrintaa faahfaahinayay waxa uu yidhi: “Waxa dhacda dad badan oo naloo soo sheego oo ah dadka ladan (Tujaarta ah) ee wax kufsada. Dadka Tujaarta ah iyo dad badan oo kale oo siyaasiyiin ah oo madax ah in iyaga oo aan maxkamadi xukumin la sii daayo. Waa iyaga oo Kufsi lagu caddeeyey ayay dhacdaa haddana in la sii daayo. Maxkamadaheenu waxaad mooddaa waxaabay xukumaanun dadka jilicsan. Bal u fiirsada dadka jeelasha innoogu jira. Waxa ka buuxa dad masaakiin ah oo aan looyar loo qaban oo aan iyagu qabsan karayn looyar. Ninkii isagu ladnaa Looyar buu qabsanayaa. Xildhibaan baa u ordaya, Wasiir baa ordaya. cid waliba waxa ay daba cararaysaa qofkaa ladan. Waa la sii daynayaa waxba lagu qaadi maayo.
Shacabka Somaliland ayaa wakhtiyadan dambe khaati ka taagan oo ka cawda dhibaatada soo noqnoqota ee ku aaddan xad-gudubyada dhinaca jinsiga ah ee ubadka iyo haweenka lagula kaco taasi oo u baahan in gurmad wada jir ah oo shacab iyo xukuumadba leh laga wada galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here