Hargeysa(Saxilnews):- Kiisaska ugu badan ee maxkamadda Hargeysa ka garnaqdaa waxay noqdeen dacwadaha la xidhiidha murranadda Dhulka.
sidaasna waxa daboolka ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, Axmed Dalmar Ismaaciil,waxaanu baaq u diray dadweynaha. “Dadweynaha waxaan leeyahay markaad is qabsataan horta ha is dillina ee maxkamadaha kaalaya, nabad-gelyadeenna ayaa ku jirta oo maxkamadahana waxaa idiin jooga dadkiinii, gartaadana inta aanad maxkamada imanin soo akhriso,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, waxa uu soo qaaday mushkiladda laaluushka iyo dadka loo soo kaxaysto xukaamta maxkamadaha.
“Waxa kale oo aad naga daysaan wasteynta iyo cida aad noo soo kaxeysaneysaan.laaluushka aad suuqa madow ku bixineysaanna naga daaya oo wixii aanu idin kala xukunno ku qanca oo daba ka hadalka naga daaya, markaa dadka waxaan leeyahay afka ayaanu xukunaa uurka ma xukuno.”
Mr. Dalmar waxa uu ka sheekeeyay tirada kiisaskii ay la wareegeen iyo inta ay xilligan gacanta ku hayaan, waxaanu yidhi “Maalintii aan maxkamadda imid waxaan la wareegay laba kun oo dacwadood. maantana waxa yaalla boqol iyo shan iyo sideetan dacwadood. Kiisaska intaas tiradoodu leeg tahay waxay nagaga dhammaadeen laaluush qaadasho la’aanta iyo cadaalada aanu sameynay. waayo ninku markaanu laaluush qaadan waa uu dhiiran yahay waayo hore ayaa loo yidhi (Af wax cuney xishood).”
“Kiisaska ugu badan ee maanta maxkamada yaala waa dhul oo noqday laf-dhuun gashay, khasaare aan dhul ka dhallani dalkeena kama dhaco, waxaana ka dhasha khasaare nafeed khasaare hantiyeed, isaga oo ciqaaba iyo isaga oo madaniyaba. waxaa maanta noogu darani waa dhul,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Maroodi-jeex.
“Waxaan la wareegay laba kun oo dacwadood, maantana waxa yaalla boqol iyo shan iyo…”
Xigasho:- Dawannews.com