Isku dhacyada hubeysan ee ka dhaca xadka u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya waa kuwii ugu dambeeyay ee taariikhda cadowtinimada tobnaanka sano jirsatay ee u dhaxaysa labada dal, inkastoo ay dhif tahay in labada ciidan ay si toos ah isugu dhacaan iyagoo dhul isku heysta.
Meeshii ugu dambeysay ee ay ku dagaallamaan waa deegaan lagu muransan yahay oo lagu magacaabo al-Fashaga, halkaas oo gobolka waqooyi-galbeed ee Amhara ee dalka Itoobiya uu kaga xirmo gobolka Gedaref ee Sudan.
Inkastoo xadka labada dal uu yahay mid caan ah, balse xadka saxda ah weligiis laguma calaamadeyn dhulka.
Heshiisyadii xilligii gumeysiga
Xadduudaha Geeska Afrika ayaa ah kuwo aad loogu muransan yahay. Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sanadkii 1977 isku dagaalay gobolka Ogaden.
Sanadkii 1998 waxay Eritrea kula dagaashay dhul yar oo lagu magacaabo Badme.
Ilaa 80,000 oo askar ah ayaa ku dhimatay dagaalkaas oo horseeday cadowtooyo kharaar oo ay labada dal isku qaadaan, gaar ahaan iyadoo ay Itoobiya diidday inay ciidankeeda ka saarto magaalada Badme xitaa markii ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ay inta badan dhulkaas u xukmisay Eritrea.
Waxaa dib u qabsaday ciidamada Eritrea markii uu socday dagaalkii Tigray bishii November 2020.
Kaddib dagaalkii 1998, Itoobiya iyo Sudan ayaa dib u bilaabay wada hadal dheer oo lagu xallinayo meesha saxda ah ee xadka dhererkiisu yahay 744km (462 meyl) ee u dhaxeeya.
Meeshii ugu adkeyd ee la xallin waayay waxay noqotay Fashaga. Marka la eego heshiisyadii xilligii gumeysiga ee sanadihii 1902 iyo 1907, xadka caalamiga ah wuxuu gaarayaa ilaa bariga.
Tani micnaheedu waa in dhulka ay leedahay Sudan – balse Itoobiyaanka ayaa degay deegaanka iyagoo halkaasi beero ku yeeshay isla markaana canshuurta siinayay dowladda Itoobiya.
‘Heshiiska oo lagu cambaareeyay inuu ahaa gorgortan qarsoodi ah’
Wada xaajoodyada labada dowladood ayaa ku soo dhammaaday heshiis sanadkii 2008. Itoobiya ayaa garowsatay xadka sharciga ah balse Sudan ayaa u oggolaatay Itoobiyaanka inay halkaasi isaga sii noolaadaan iyagoo aan wax dhibaato ah loo geysan.
Wuxuu ahaa kiis cajiib ah oo muran xudduudka ah lagu xalliyay qaab aysan dhib ka soo gaareyn dadka ku nool xadka; muddo tobnaan sano ah ayay is dhex degganaayeen dadka labada dal ilaa hadda, oo ay Itoobiya sheegatay gacan ku heynta deegaankaas.
Wafdigii Itoobiya ee heshiiskii 2008 waxaa hoggaaminayay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda TPLF, Abay Tsehaye.
Kaddib markii TPLF laga qaaday xukunka Itoobiya sanadkii 2018, hogagamiyeyaasha qowmiyadda Amxaarada ayaa cambaareeyay heshiiskaas waxayna ku sheegeen inuu ahaa gorgortan qarsoodi ah oo aan la tashi laga sameyn.
Labada dhinacba fakrado kala duwan ayay ka aaminsan yihiin waxa sababay dagaalkii Fashaga. Waxa xigay ee dhacay muran kama taagna: ciidamada Sudan ayaa dib u riixay Itoobiyaanka iyagoo ku qasbay dadkii meesha degganaa inay isaga baxaan.
Shir goboleed ay Djibouti ku yeesheen 20-kii December, ayuu Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok arrinta ku soo qaaday dhiggiisa Itoobiya Abiy Ahmed.
Waxay isku raaceen inay wada xaajood galaan, balse midkoodba wuxuu watay shuruud. Itoobiya waxay Sudan ka dooneysaa inuu magdhow siiyo qowmiyadaha uu dagaalku saameeyay; Sudan waxay dooneysaa in heshiiska lo laabto.
Iyadoo ay wufuuddu wada hadlayaan, waxaa dhacay dagaal kale, oo ay Sudan ku eedeysay ciidamada Itoobiya.
Marka la eego murannada xadka, dhinac walba wuxuu falanqeyn u gaar ah ku sameeyay taariikhda, sharciga iyo heshiisyadii qarni jirsaday ee gumeysiga. Balse waxaa sidoo kale calaamad u ah labo arrin oo waaweyn – mid walba waxaa daaha ka rogay isbeddelka siyaasadeed ee Mr Abiy.
Sheegashada dhulka ee Tigray
Dadka Itoobiya ee deggan Fashaga waxay ka soo jeedaan qowmiyadda Amhara – oo ah tan uu Mr Abiy aad ugu xisaabtamayo siyaasaddiisa kaddib markii uu lumiyay taageerada qowmiyadda uu ka soo jeedo ee Oromada, oo ah tan ugu weyn Itoobiya. Amxaarada waa qowmiyadda labaad ee ugu weyn Itoobiya.
Amxaarada oo ka faa`iideysanaya guushii ay labadii bilood ee la soo dhaafay ciidamada federaalka ka gaareen TPLF, ayaa waxay sheeganayaan dhulal inay ku leeyihiin Tigray.
Kaddib markii gobolka laga saaray TPLF, maleeshiyo goboleedka Amxaarada ayaa waddooyinka suray boorar ay ku qoran yihiin “ku soo dhowow Amhara”. Wuxuu ahaa dhul uu sheegtay gobolka Amhara balse la siiyay Tigray sanadihii 1990-meeyadii markii TPLF ay heysay xukunka Itoobiya.
Dagaalka Fashaga wuxuu daba socdaa isla sheegashadaas dhulka – marka laga reebo inaysan quseyn xudduudaha gudaha ee Itoobiya, balse uu yahay xad lala wadaago dal deris ah.
Haddii lagu guul darreysto in si nabad ah loo xalliyo waxay caqaad kale ku noqon doontaa Mr Abiy: xiriirka arrimaha dibadda ee Itoobiya. Muddo 60 sano ah, ujeeddada aasaasiga ah ee Itoobiya waxay ahayd inay xakameyso Masar, balse sanad kahor Mr Abiy ayaa ka booday arrintaas.
Labada dal midkoodba wuxuu Webiga Nile u arkaa inuu muhiim u yahay.
Masar waxay u aragtaa in biyo xireennada ay khatar ku yihiin qeybta ay u leedahay biyaha Nile. Itoobiya waxay webiga u aragtaa il muhiim ah oo laga sameeyo quwadda biyaha laga dhaliyo, taas oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaheed.a
Muranka wuxuu ka dhashay dhismaha biyo xireenka weyn ee ay Itoobiya dhisaneyso.
Arrintu waxay ku qotontay diblomaasiyadda biyaha ee wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ay ku dooneysay inay xulafo kula noqoto dalal kale oo Afrika ku yaalla.
Ujeeddadu waxay ahayd in dalal badan heshiis lagula galo qeybiya biyaha Nile. Xulafadan waxaa laga reebay Masar.
Sudan waxay ka mid ahayd dalalkan. Waxaa la qorsheeyay inay ka faa’iideysato biyo xireenka Itoobiya ee Gerd, oo xakameyn doona daadadka, kordhin doona waraabka, isla markaana abuuri doona koronto jaban.
Masar waxay dooneysay wada hadallo toos ah oo lagu dhowrayo heshiiskii xilligii gumeysiga ee inta badan biyaha Nile iyada loogu qoondeeyay.
Bishii October 2019, Mr Abiy ayaa u duulay shirkii Ruushka iyo Afrika ee ka dhacay Sochi. Shirarkii kale ee halkaasi ka dhacay wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi.
Hal shir oo ay yeesheen, oo aysan goobjoog ka ahayn saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda, ayuu Mr Abiy ku beddelay istaraatiijiyadda biyaha Nile ee Itoobiya.
Wuxuu oggolaaday soo jeedintii Mr Sisi ee ahayd in waaxda maaliyadda Mareykanka ay dhexdhexaadiso muranka Gerd. Mareykanku wuxuu u liicay dhanka Masar.
Haddii hoggaamiyaha Itoobiyaanka ee da’da yar, ee dhowaan xallinta xiisadda Eretria ku muteystay abaal marinta Nobel Peace Prize, uu ku fekeray inuu sidoo kale heshiis la geli karo Masar, wuu khaldanaa. Taas caksigeeda ayaa dhacday. 44 jirkan ayaa la kulmay xaalad adag.
Sudan wuxuu ahaa dalkii saddexaad ee lagu casuumay wada xaajoodkii ka dhacay Washington DC. Maaddaada ay u nugleyd cadaadiska Mareykanka oo ay aad u dooneysay inuu ka qaado cunaqabateynta dhaqaale ee lagu soo rogay sanadkii 1993 markii lagu eedeeyay inay maalgeliso argagixisay, Waxay Sudan la safatay Masar.
Warar dheeraad ah oo la xiriira biyo xireenka:
Ra’yi ururin laga qaaday dadka Itoobiya ayaa lagu diiday soo jeedintii Mareykanka, Mr Abiy ayaana ku qasbanaaday inuu diido, kaddib markii Mareykanka uu hakiyay gargaar loogu talo galay Itoobiya. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay in Masar ay “qarxin doonto” biyo xireenka, Itoobiya ayaana soo rogtay inaan la dul mari karin halka laga dhisayo biyo xireenka.
‘U laabashada heshiiskii hore’
Ninkan heysta abaal marinta nabadda ayaanan awoodin inay mar kale isku dhacaan Masar, isagoo bartanka uga jira dagaalka Tigray iyo isku dhacyada Fashaga. Tan Fashaga ayaa soo kicisay taariikh dheer oo cawotinnimo ah oo u dhaxaysa Itoobiya iyo Sudan.
Sanadihii 1980-meeyadii, Itoobiya oo hantiwadaag ahayd ayaa hubeysay mucaaradka Sudan, halka Sudan ay caawin jirtay kooxaha hubeysan ee Itoobiya oo ay ka mid ahayd TPLF. Sanadihii 1990-meeyadii, Sudan ayaa taageertay kooxaha maleeshiyaadka Islaamiga ah halka ay Itoobiyana taageertay mucaaradka Sudan.
Iyadoo ay isku dhacyo hubeysan iyo qalalaaso ka socdaan Itoobiya, isla markaana hesiiskii nabadeed ee dhowaan ay Sudan la gashay mucaaradka ku sugan Darfur iyo Buuraha Nuba uusan ahayn mid dhammeystiran, dal walba waxaa laga yaabaa inuu u noqdo heshiiskii hore.
Xiriirka Sudan iyo Itoobiya ayaa meeshii ugu fiicneyd gaaray markii uu Mr Abiy u duulay Khartoum bishii June 2019 si uu gacan uga geysto in dibadbaxayaashiii dimuqraaddiyad doonka ahaa iyo janaraallada Sudan ay gaaraan heshiis kaddib markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer dalkaasi ka talinayay Omar al-Bashir.
Wuxuu ahaa hindise uu la yimid Abiy. Ra’iisul Wasaaraha Sudan Hamdok ayaa isku dayay nuu gudo abaalkaas isagoo u soo bandhigay inuu gacan ka geysanayo xallinta dagaalka Tigray. Waase laga diiday, waxaa ugu dambeeyay shirkii 20-kii December, oo uu Mr Abiy ku adkeystay in dowladda Itoobiya ay xallisan doonto arrimaheeda gudaha.
Iyadoo qaxootiga Tigray ay ku sii qulqulayaan Sudan, iyagoo la soo kulmay tacaddiyo iyo gaajo, ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxaa ku adkaan doonta inuu diido dhexdhexaadinta.
Wuxuu sidoo kale halis u noqonayaa abuuridda dagaal kale oo xadka ku dhex mara Itoobiya iyo Sudan, kaas oo ka sii dari doona xiisadda gobolka.
Alex De Waal oo maqaalkan qoray waa agaasimaha sare ee World Peace Foundation ee qeybta Dugsiga Sharciga iyo Diblomaasiyadda Fletcher ee Jaamacadda Tufts ee dalka Mareykank