Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya: Marxaladaha uu soo maray Khilaafka labada dal oo soo xoogeystay 2011

0
20
Madaxwayne farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta
Soomaaliya ayaa 15-kii bishan December ku dhawaaqday in ay xiriirkii diblamaasiyadeed u jartay Kenya, ka dib xiisadda labada dal u dhaxeeysa oo muddo dheer soo taagnayd.

Waxaa arrintan xuddun u ah Muran dhanka badda ee u dhaxeeya labada dal oo kiiska dacwadda ay gacanta ku hayso maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ee ku sugan Soomaaliya.

Waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa marxaladihii ugu muhiimsanaa ee uu soo maray muranka Kenya iyo Soomalaiya.

Presentational grey line

Dhacdooyiinkii ugu muhiimsanaa

16 October 2011: Militariga dalka Kenya ee loo yaqaano (KDF) ayaa xadka ka talaabay si ay gudaha Soomaaliya ugula dagaalamaan Al-Shabab, ka dib weeraro ka dhacay gudaha Kenya, kuwaasi oo ay dowladda ku eedeeysay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Saraakiisha militariga Kenya waxay xilligaas sheegeen in ay Soomaaliya ka soo bixi doonaan marka la sugo ammaanka xadka si looga hortago weerarada Shabab.

24 October 2011: Madaxwaynihiii Soomaaliya, Sheekh Sharif Sheekh Axmed, ayaa ku gacan seyray soo galitaankii ciidamada Kenya ee gudaha Soomalaiya.

.
Qoraalka sawirka,.

Warbaahinta Soomaalida waxay xilligaasi sheegeen in Sheekh Shariif uu ka walaacsanaa in Kenya ay doonayso in maamul goboleed madax banaan ay ka dhisto gobollada Jubooyiinka kaasi loo yaqaano Jubbaland, taasi oo qaar ka mid ah dadka wax falanqeeya ay rumeysan yihiin inay ahayd u jeedadii ugu wayn ee Kenya ay Soomaaliya u gashay.

6 July 2012: Ciidamada Kenya ayaa si rasmi ah ugu biiray ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee (AMISOM).

28 September 2012: Ciidamada Kenya waxay Al-Shabab kala wareegeen magaala xeebeedka Kismaayo, taas oo ahayd guul wayn oo ay ka gaareen dagaalkii ay Al-Shabaab kula jireen.

Waxaa ciidamada Kenya howlgalka kula jiray oo gacan siinayay maleeshiyaadka Ras Kamboni, ee uu xilligaasi hoggaaminayay Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe), kaasi oo markii dambe noqday madaxwaynaha mamaulka Jubbaland.

1px transparent line
1px transparent line

15 May 2013: Axmed Madoobe, isaga oo taageero ka helaya Kenya, waxaa loo doortay madaxwaynaha Jubbaland, ka dib shir lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Dowladdii fedaraalka ee xilligaasi ayaa diiday in ay aqoonsato mamulka Axmed Madoobe.

Isla maalintaasi, Barre Hiirale, oo ahaa hogaamiye kooxeed ay iska soo horjeedeen Axmed Madoobe, ayaa isagana ku dhawaaqay inuu yahay madaxwaynaha Jubbaland.

4 July 2013: Wasiirkii arrimaha dibadda Fawsiya Yuusuf Aadan ayaa warqad u dirtay Midowga Afrika iyada oo Kenya ku eedeysay inay ciidamadeeda qeyb ka ahaayeen dagaal Kismaayo ka dhacay 26 June 2013, kaas oo ay ku dhinteen illaa 65 qof.

Xasan Sheekh Maxamuud
Qoraalka sawirka,Xasan Sheekh Maxamuud

14 December 2014: Waxaa magaalada Kismaayo tagey madaxwaynihii Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, waxaa uuna wadahadalo la yeeshay Axmed Madobe.

Maalin ka dib wadaxaajoodkaas, waxaa uu Xasan Sheekh u aqoonsaday in Axmed Madoobe yahay madaxwaynaha Jubbaland.

28 August 2014: Waxay Soomaaliya kiis dacwadeed u gudbisya maxkamada cadaalada caalamiga ah ee (ICJ), iyada oo ka codsatay in ay go’aan ka gaarto muranka dhanka badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Goobta lahaanshiyaheed uu muranka ka taagan yahay oo dhan 100,000 kiilo mitir, waxaa ceegaaga oo ay hodan ku tahay Shidaalka.

Presentational grey line

8 September 2018: Hoggaamiyayasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa joojiyay wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo, taasi oo la xiriirtay loolan dhanka awoodaha ah iyo qeybsiga kheyraadka.

Isla xilligaasi, waxaa mar kale khilaaf uu ka dhex curtay dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madobe.

Maxamed Axmed Nuur Tarsan, wuxuu safiirka Soomaaliya ee Kenya noqday dhammaadkii sannadkii 2018-kii.
Qoraalka sawirka,Maxamed Axmed Nuur Tarsan, wuxuu safiirka Soomaaliya ee Kenya noqday dhammaadkii sannadkii 2018-kii.

16 February 2019: Kenya ayaa ceyrisay safiirkii Soomaaliya u fadhiyay magaalada Nairob, waxayna dib ugu yeeratay danjirihii ka fadhiyay Muqdisho, ka dib markii uu sii xoogeystay muranka dhanka badda ee labada dhinac.

6 March 2019: Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Kenya wada gaareen heshiis dib loogu soo celinayo xiriirka, ka dib kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen madaxwayne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

9 May 2019: Kenya waxay dib u soo celisay baaritaanadii dhanka ammaanka ee lagu sameynayay diyaaradaha ka yimaadda Somaaliya waxayna qasab ka dhigtay in ay soo maraan Wajeer, taas oo jabinaysay heshiis ay gaareen labada dowladood.

27 June 2019: Kenya ayaa ku dhawaaqday kulan ay la yeelaneyso sarakiisha Soomaliland si ay uga wadaxaajoodaan “arrimaha danaha labada dhinac ka dhaxeeya”.

25 August 2019: Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay “qalab isgaarsiin oo ay militariga Kenya ku burburiyeen” gobolka Gedo.

Madaxwaynaha Jubbaland
Qoraalka sawirka,Madaxwaynaha Jubbaland

22 August 2019: Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa mar kale ku guuleystay doorashadii lagu murmay ee ka dhacday Kismaayo.

Dowladda fedaraalka ayaa diiday dib u doorashadiisa, waxayna geedi socodkii loo maray ku tilmaamtay mid aan dastuurka waafaqsanayn.

Balse dowladda Kenya ayaa ugu hambalyeysay in Axmed Madoobe in mar kale la doorto.

29 August 2019: Dowladda Soomalaiya waxay mamnuucday duulimaadyadii tooska ahaa ee ay diyaaradaha ka yimaadda Nairobi ku tagi jireen Kismaayo.

Go’aankaas ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in saraakiil Kenya u dhashay ay qorsheynayaan in ay ka qeyb galaan caleemo-saarkii madaxwaynaha Jubbaland.

12 October 2019: Hogaamiyihii aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Adan Bare Ducaale, iyo wafdi uu hoggaaminaayay, ayaa duulimaad toos ah ku tagay magaalada Kismaayo halkaasi oo uu uga qeyb galay caleema saarkii Axmed Madoobe.

Arintan waxay jabinaysay mamnuuciddii dowladda fedaraalka ay ku soo rogtay diyaaradaha taga Kismaayo.

Dowladda fedaraalka ayaa arrintaas cabsho ka muujisay waxayna eedeeyn u jeedisya dwoladda Kenya.

2px presentational grey line

28 January 2020: Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashid Xassan (Janan) ayaa xabsi ku yaalla Muqdisho ka baxsaday, wuxuuna u cararay dalka Kenya.

Janan waxaa lagu xiray Muqdisho 31 August 2019, isaga oo lagu eedeeyay in uu geystay xadgudub ka dhan ah aadanaha.

4 February 2020: Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warqad caalami ah oo loogu soo xirayo Janan waxayna Kenya ka dalbatay in loo soo gacan galiyo. Dowladda Kenya arrinta kama aysan hadlin.

19 May 2020: Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa dib u dhigtay ilaa 15 March 2021, dhageysiga dacwada kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaliya, taas oo sabab looga dhigay cudurka faafa ee Covid-19.

2 March 2020: Ciidamada qaranka Soomaaliya ee loo yaqaano (SNA) ayaa weerar ku qaaday ciidamada Jubbaland daacadda u ah ee Janan uu hoggaaminayay, kuwaas oo ku sugnaa meel u dhaw magaalada Beled-Xawo oo ku taalla xadka labada dal kala qeybiya.

Waxaa jiray warar la isla dhex marayay oo sheegayay in Janan uu ku sugan yahay magaalada Mandhera, isaga oo ay “difaacayaan ciidamada ammaanka” Kenya.

4 March 2020: Madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay “in Kenya la dandaansado”, isaga oo sheegay in dagaalkii Mandhera uu ahaa mid u dhigma “weerar aan geedna loogu soo gaban oo ay soo qaadeen xoogag shisheeye”.

6 September 2020: Dowladda Soomaaliya ayaa sii xoojisay mamnuucidda jaadkii ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya.

17 September 2020: Dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa isla gaaray heshiis ku saabsanaa nooca doorasho ee dalka ka dheceysa.

1 October 2020: Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeysay militariga Kenya in dad shacab ah ay qaarna afduubteen kuwana ku dileen gobolka Gedo.

29 November 2020: Axmed Madoobe, madaxweynaha Maamulka Jubaland, oo ka hadlay arrimaha doorashada Federaalka ayaa sharuud ku xiray in uu magacaabo guddiga doorashada, wuxuuna dowladda ka dalbaday in ay ciidamadeeda kala baxdo gobbolka Gedo, ayna maamulkiisa la wareegaan mas’uulyiintii gobolkaas.

29 November 2020: Soomaliya ayaa dib ugu yeeratay safiirkii ka fadhiyay Nairobi, waxayna dalkeeda ka ceyrisa danjirihii Kenya ee Muqdisho, waxayna Kenya ku eedeeysay in ay faragalin ku hayso doorashada Somaliya ee 2020/21.

Dowladda fedaraalka ee Somalaiya ayaa ku eedeeysay Kenya in ay Axmed Madoobe ku cadaadinayso in uu diido geedi socodka doorashada 2020/21. Kenya way beenisya eedeeyntaas.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayuu marti u yahay madaxweyne Muusa Biixi Cabdi.
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayuu marti u yahay madaxweyne Muusa Biixi Cabdi.

13 December 2020: Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqasho ku yimid Nairobi, wuxuuna wadahadalo la yeeshay madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Waxay Kenya markii dambe ku dhawaaqday in ay qorsheynayso in qunsuliyad ay ka furato Somaliland.

15 December 2020: Dowladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday go’aan ahaa in ay xiriirkii diblamasiyadeed gabi ahaanba u jartay Kenya.

Waxaa imika socda dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka labada dal ee soomalaiya iyo Kenya.

20 December 2020: Shirkii urur goboleedka IGAD ee ka dhacay Jabuuti waxaa ka dhacay kulan ay isku hor fariisteen madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa shirkaas goobjood ka ahaa madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here