Berbera (Saxilnews.com)-Shaqaalaha Haamaha Shidaalka Ayaa Sheegay Inay Shaqada Jooji Samaynayaan Kadib Markii Lagu Khasbay Hashiis Ay Soo Macmaleen Maamulka Gacanta Ku Haya Haamaha Shidaalka Berbera Kaasi Oo Sheegaya Qodobo Aan La Qaadan Karin Sida Ay Sheegeen Qaar Kamid Ah Shaqaaalaha Haamaha Shidaalka Berbera Oo Ka Gaabsaday Inay Magacooda Sheegan
Waxay Sheegeen Inay Shirkadahan Is Xambaarsani Ay Bilaabeen Ku Xadgub Iyo Tacadiyo Ka Dhan Ah Shaqaalaha Haamaha Shidaalka Shaqaaluhu Waxay Si Xoogan Leh Uga Cabanayaa Cago Juglayn Iyo Shaqooyin Dheeraad Ah Iyo Sidoo Over Time La,aan
Maalintii Doraad Ahayd Ayaa Subaxnimadii La Horkeenay Shaqaalaha Haamaha Shidaalka Berbera Heshiis Ka Kooban Sideed Bage Ama Xaashiyadood Oo Ay Ku Qoran Yihiin Qodobo Ku Lidi Ah Shaqaalaha Loogu Yimi Haamaha Shidaalka Berbera
Waxaa Kamid Ah Qodobada Ugu Muhiimsanaa Ay Shaqaaluhu Ka Biyo Diideen
1-Qofku Waa Inuu Keena Damiinu Maal Ka Masuul Noqda !
2-Waa Inaanu Qofka Shaqaalaha Ah Xanuusan Karin Wixii Todoba Cisho Ka Badan !
3-Qofka Shaqada Wax Ku Noqda Ama Ku Dhaawacma Masuul Kama Nihin!
4-Shaqaaluhu Waa Inay Galaan Heshiis Kusaabsan Mudooyinka Ay Shaqaynayaan !
Shaqaalaha Ayaa Diiday Heshiiska Jujuubka Ah Ay Soo Qoreen Kooxaha Maamula Haamaha Shidaalka Berbera ,Waxayna Xukuumada Somaliland Ugu Baaqeen Inay Wax Ka Qabato Dacdiga Iyo Heshiiska Meel Ka Dhaca Ah Ee Lagu Khasbaayo Shaqaalaha Haamaha Berbera
Talaabooyinkan Ayaa Waxay Hordhac Uyihiin Kuwo Lagu Dhimaayo Shaqaalaha Haamaha Berbera Kadib Markii Ay Shireen Maamulka Shirkadaha Haamaha La Wareegay