KHILAAF HUURSAN OO KA DHEX QARXAY GUDDOMIYAHA JAMAACADDA HARGEYSA IYO QAAR KA MID AH SHAQAALE HOOSAADKIISA

0
27

Hargeysa (Saxilnews)_ Jaamacada Hargeysa ayuu maamul cusubi la wareegay dhawaan kadib markii khilaaf ba’an oo ka dhex curtay boodhka jaamacada uu sababay rabshado iyo gacan ka hadal ay sameeyaan qaar ka mid ah ardayda Jaamacada, taas oo aakhirkii keentay in shaqada laga eryo Gudoomiyihii Jaamacadaas iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha gaar ahaan Macalimiin wax ka dhigaysay Jaamacadaasi.

 

Jaamacada Hargeysa ayaa waxa gudoomiye ka ah wakhti xaadirkan Mahdi Cismaan Buuri, waxaana ilo wareedo uu helay shabakada Xogreebnews ay sheegayaan in durtaba ay gudoomiyaha ku kaceen qaar ka mid ah shaqaale waaxeedada iyo hawlwadeenada Jaamacadu, waxaana wararku intaa ku darayaan inuu cirka isku sii shareerayo khilaafkaasi u dhexeeya maamulka cusub iyo koox xulafo la ahayd ashkhaastii hore iskaga soo horjeeday Jaamacada Hargeysa.

 

Khilaafkan oo ah mid wali huursan ayaa hadii uu dibada usoo baxo waxa la fili karaa inuu mar kale saamayn xun ku yeesho habsami u socodka Jaamacada Hargeysa iyo Mustaqbalkeeda, maadaama oo uu tartan xoogani kala dhexeeyo Jaamacadaha gaarka loo leeyahay.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaan la saadaalin karin meesha uu iskugu Biyo shuban doono Khilaafka Jaamacadda Hargeysa, oo iyaddu hoy u noqotay muraannada soo noq-noqdaa, sidoo kale, waxa jiraa xoggo kaloo tibaaxaya inuu jiro Musuq ay Caadeysteen Madax-waaxeedada ka hawl galaa Jaamacadda Hargeysa.

 

 

 

berber2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here