Khasaaraha ka Dhashay Dagaalkii Beled Xaawo

0
14

Beled Xaawo (saxilnews.com) Waxaa lagu soo warramayaa in xaaladdam agaalada Beled Xaawo ay degan tahay, kadib markii shalay uu halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Beled Xaawo iyo kuwa maamulka Jubaland.

Magaalada ayaa haatan lagu soo warramayaa in weli ay gacanta ku hayaan ciidanka Dowladda Federaalka.

Dadka deegaanka oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ciidankii taabacsanaa Cabdirashiid Janan ay ka baxeen fariisimihii ay ku lahaayeen xadka labada magaalo, gaar ahaan xaafadda BP1.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ayaa haddana wararka la helayo waxay sheegayaan in uu jiro khasaaro naf iyo maalba leh.

“Waxaa isbitalka Mandhera la inoogu keenay 10 qof oo dhaawac oo 6 kamid ah ay yihiin dad rayid ah iyo afar nin oo kuwii dagaalamayay ah,” sidaas waxaa warbaahinta maxalliga ee dalka Kenya u sheegay Cabdullaahi Xassan oo ah dhakhtar ka hawgala isbitaalka Mandheera.
Sidoo kale weriye ku sugan Mandheera ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay dhimashada hal askari oo ah ciidamada Jubaland ee dagaalka ku jiray.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya baabuur nooca Cabdi bilaha loo yaqaano oo ku gubanaya halkii uu dagaalka ka dhacay, kaas oo aan la ogeyn cidda leh.

Wargeyska The Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa kusoo warramay in milateriga dalka Kenya ay saddex kamid ah ciidamadii Jubaland ee dhaawacmay ay geeyeen xerada ay ku leeyihiin Mandheera.

Baabuurta dagaalka ee ciidamada Jubaland ayaa la arkayay iyagoo dhexmaraya waddooyinka magaalada Mandheera, waxaana wargeyska uu kusoo warramay “in ciidanka Jubaland ay dib uga gurteen aaga dagalka, ayna ku sugan yihiin xeryaha milateriga Kenya halkaas oo lagu daweynayo”.

Ku simaha gudoomiyaha gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji oo isagoo Beled Xaawo jooga la hadlay BBC-da ayaa sheegay in gurya dhowr ah ay gubteen, kadib markii ay madaafiic ku dhaceen.

Mid kamid ah odayaasha magaalada Beldxaawo oo magaciisa ka gaabsaaay ayaa BBC-da u sheegay in dhanka Beled Xaawo aysan jirin wax dhimasho ah balse dhaawaca ciidanka dowladda iyo dadka shacabka uu gaarayo 15 qof oo dhaawac sahlan ah.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in laga soo weeraray dhinaca Kenya oo milateriga Kenya ay qeyb ka yihiin dagaalka, inkastoo aysan BBC-du arrintaas xaqiijin karin.

Maamulka Jubaland ayaa Dowladda Dhexe ku eedeeyay inay dagaal kusoo qaaday magaalo ammaan ah.

Daily Nation ayaa kusoo warramay in ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada Jubaland la geeyay saldhig boolis oo ay ciidanka Kenya ku leeyihiin magaalada Mandheera, balse mas’uuliyiinta Jubaland ayaa beeniyay in ciidankooda “ay Kenya iska dhiibeen”.

Wasiirka warfaafinta ee Jubaland Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo BBC-da la hadlay ayaa eedeyn kulul dusha uga tuuray Dowladda Dhexe.

“Dagaalkan waa mid ay Dowladda Federaalka ugu talagashay inuu shacabka ku qaxo, sidii dhacday 1991-kii iyo 1992-kii. Cid walba way fileysay in markii ay kasoo jeestaan Galmudug ay ku xijin doonaan Jubaland”, ayuu yiri.

Dhinaca kale, taliska booliska Kenya waxay beeniyeen warar sheegayay in uu dagaal ka dhacay gudaha magaalada Mandheera.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya halka uu hadda ku sugan yahay Cabdirashiid Janan, waxaana dadka qaar oo aan la hadalnay iyagoo ku sugan magaalada Mandheera ay BBC-da u sheegeen inay u badan tahay in Cabdirashiid Janan uu ku sugan yahay xeryaha milateriga Kenya ee Mandheera.

Khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo hoggaanka maamulka Jubaland ayaa in muddo ah soo taagnaa, dad badanna waxay saadaalinayeen inuu gacan ka hadal isu beddali doono.

Ma jirto waan-waan laga dhex wado labada dhinac iyo wadahadal ay khilaafkooda kusoo af jarayaan.

Weriye Gamuute Cumar kujoog
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here