KENYA OO SHEEGTAY IN DUQAYMIHII MARAYKANKU SOMALIA KA FULIYAY AY KU DHINTEEN MUWADINIIN U DHASHAY OO AL-SHABAAB KA

0
20

Nairobi:-(saxilnews.com) Dawlada Kenya ayaa sheegtay duqeyn ay ciidamada Maraykanka ka fuliyeen gudaha dalka Soomaalya ay ku dhaawacmeen labo sarkaal oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab kuwaasoo ahaa muwaadiniin Kenya ah.

Sida ay daabaceen saxaafada dalka Kenya duqeyn uu Maraykanka ka geystey koofurta Soomaaliya ayaa waxaa lagu diley labo ka mid ah dagaalyahanada ururka Al-Shabaab halka afar kalana ay ku dhaawacmeen.

Labada sarkaal oo asalkoodu ahaa Kenyan kana tirsan ururka Al-Shabaab ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Axmed Faarax iyo Cabdulahi Waliid, waxayna dowlada Kenya sheegtay in lagu daweynayo saldhig uu Al-Shabab ku leeyahay gudaha dalka Soomaaliya.

Dhalinyaro badan oo Kenyan ah ayaa ku biirtey ururka Al-Shabaab oo ah urur la dagaalama dowlada Soomaaliya isla markaana ka fuliya weeraro gudaha wadanka Kenya.

Dowlada Maraykanka ayaa kordhisay duqeynta ay ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya iyadoo duqeymihii ugu dambeeyay lala badhtilmaameedsaday dagaalyahano aan xilal sarsare ka hayn ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here