KENYA Oo Kiiska Badda U Gudbineysa Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

0
18

Nayrobi (Saxilnews.com)Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ee ICJ waxay maanta mar 2-aad dhegeysan doonto Garnaqsiga Somalia ee ay dacwadda kaga tahay Sheegashada Kenya ee qeybo ka mid ah Badda Somalia, xilli ayna Kenya soo xaadirin Fadhigii shalay ee Dacwad-dhegeysiga ee ka furantay Xarunta Maxkamadda ICJ ee magaalada The Hague.

Wargeyska Maalinlaha ee Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa waxa uu qoray inay Dowladda Kenya go’aan ku gaadhay inay Kiiskaasi u gudbiyaan Golaha Ammaanka ee QM. Kenya ayaa waxaa ay xubin ka tahay dalalka aan rigliga ahayn ee ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM.

Xeer-beegtida Maxkamadda ICJ ayaa waxay shalay laaleen codsi uu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya, Kihara Kariuki ku doonayey inuu muddo 5 daqiiqo la siiyo, si ay u soo bandhigaan sababaha ay u qaadaceen Garnaqsiga Kiiskaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here