Kala Sareynta Tartanka Kabta Dahabka Horyaalada Yurub & Robert Lewandowski Oo Ceebayay Xiddigihii Ugu Waa Weynaa Dunida

0
32

Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa ceebeeyay xiddigaha weerarka ee ugu fiicnaa dunida isagoo la cararaya abaalmarinta kabta dahabka Yurub ka dib markii uu maanta labo gool dhaliyay kulankii ay Bayern Munich 5-1 kaga badisay kooxda 1. FC Köln.

Xiddiga reer Poland ayaa dhaliyay 28 gool 22 kulan uu saftay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan mana jiro ciyaaryahan u soo dhow oo ka dheela horyaalada ugu waa weyn Yurub.

Xiddiga ku soo xiga waa Kasper Junker oo u dheela kooxda reer Norway ee Bodø/Glimt kaasoo 25 kulan ku dhaliyay 27 gool laakiin goolashiisa waxay u dhigmaan kaliya 1.5 dhibcood halka goolasha Lewandowski ay u dhigaan 2 dhibcood madaama Bundesliga uu ka mid yahay shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.

Kaalimaha 3aad iyo 4aad waxaa ku kala jira xiddiga kooxda Frankfurt ee horyaalka Bundesliga Andre Silva iyo xiddiga Barcelona Lionel Messi kuwaasoo min 19 gool dhaliyay xilli ciyaareedkaan, iyadoo Andre Silva uu dheelay 21 kulan halka Messi uu ciyaaray 23 kulan.

Xiddiga Juventus Cristiano Ronaldo ayaa ku jira kaalinta 6aad isagoo dhaliyay 18 gool balse xilli ciyaareedkan saftay horyaalka Serie A 19 kulan.

Xiddiga Borussia Dortmund Erling Haaland, kan Inter Milan Romelu Lukaku iyo xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa dhameystiraya 10ka ugu sareeya tartanka kabta dahabka Yurub iyagoo dhaliyay min 17 gool.Xiddiga Borussia Dortmund Erling Haaland, kan Inter Milan Romelu Lukaku iyo xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa dhameystiraya 10ka ugu sareeya tartanka kabta dahabka Yurub iyagoo dhaliyay min 17 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here