Hargeysa-(Saxilnews.com)-Kalfadhigii 45-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel lagu sameeyey qaar kamid ah xeerarkii hore u jirey. Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen:
1. Qabyo-qoraalka ka hortagga xeerka la dagaallanka ganacsiga iyo tahriibinta dadka iyo
2. Wax ka-beddelka iyo kaabista la dagaallanka xeerka mukhaadaraadka Xeer Lr. 21/2002 oo isagu hore u jirey, waxanay xeerarkani u gudbi doonaan
golaha wakiilada Somaliland, iyagoo wax weyn ka tari doona Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka yimaadda Tahriibinta dadka iyo la dagaallanka Mukhaadaraadka dalka soo gala.
abdirashid cadare
Saxilnews.com
berbera