Kacdoono Xoogan Oo Ka Socda Gudaha Magaalo Xeebeda Berbera Kuwaasi Oo Lagaga Soo horjeedo Wareejinta Wakaalada Biyaha Berbera

0
15

Berbera (Saxilnews.com)-Kacdoono xoogan oo ayaa maalmihii ugu danbeeyey kasocday gudaha magaalada Berbera Kadib Markii ay xukuumada somaliland tijaabisay inay hoos ahaan uwareejisk wakaalada Biyaha Berbera

Arintaasi ayaa keentay godod iyo kacdoono ka dhan ah shacabka oo si wayn utageersan mareeyaha wakaalada Biyaha Berbera oo kamid ah xubnaha ugu culus xisbiga kulmiye ee gobolka saaxil taasina waxay keentay inuu shacabka kacaan kadib markii ay fahmeen wareejinta wakaalada Berbera ee nidaamka private ah dadwaynaha ayaa saaka kusoo hor buuqay wakaalada Biyaha Berbera

Agaasimaha Guud ee wasaarada khayraadka biyaha somaliland ayaa waday maalintii qorshe la doonayey in hoos looga wareejiyo wakaalada Biyaha Berbera gacanta Golaha deeganka Berbera balse arintaasi ayaa suurgali wayday waxayna samaysay kacdoon xadhkaha goostay oo ay isku raaceen Golaha deeganka Iyo Bulshada Berbera oo fahamsan nidaamka Kali Macaashka ah PPP kaaso aan bulshada berbera faaido ugu fadhiyin balse la sheegay inay xukuumadu waydaarsanayso ilaa 11 milyan oo kula wareegto shirkad gaar ah iyo xukuumadu

Wararkan ayaa soo cusboonayd kadib markii uu magaalada ka tagay maayarka magaalada Berbera oi hore ucadeeeyey inay gole ahaan ka badheedhsan yihiin ilaalinta Biyaha Berbera ee xukuumadu damacsan tahay inay shirkado ku wareejiso wuxuun balan qaaday gudoomiye Cidin inaanayn dhici karin inta uu golaha joogo inuu wareejiyo Biyaha Berbera waxaa arintaasi si cad ugu taageeray shacabka nugul ee Berbera

Arintani dib loo soo aloosay ayaa khilaaf xoogan ku keeni karta maamulka golaha deeganka iyo sidoo kale xukuumada Somaliland ee ilaa hada ku hawlan wareejinta Biyaha Shacabku kunool yahay waxaa sidoo kale kula quusan doona bulshada Berbera oo ilaa hada la qabsaday wareejinta Haayadaha dawlada sida warsjadii laydhka ,haamaha shidaalka ,warshadii Kaluunka ,dekedii Berbera iyo Goobo kale oo muhiin ah balse wakaalada Biyaha Berbera way ugu duwan tahay oo nafta ayey bulshadu dul dhigeen mana ogola ilaa hada wareejinta wakaalada Biyaha Berbera

Masuulka cusub ee wakaalada Biyaha Berbera loo wado ayaa noqonayaa mareeyihii sadexaad ee xilkaasi loo soo magacaabay walow ay jiraan mareeyayaal hore oo iska tagay markii uu shacbku fahmay ujeedada dabada looga wado waxaana xusid mudnaa inuu ku jiray mareeyayaasha hore ee wakaalada Biyaha Berbera loo soo magacaabay nin kasoo jeedo beelaha somaliland ee aan wali xil ka qaban tan iyo lixdankii waxayna noqonaysaa godob siyaasadeed oo laga beelaha siyaasada ku heshiiyey ee somaliland
Mareeyaha wakhtigan ee wakaalada Biyaha berbera Kayd Cabdilaahi Xandule Ayaa waxaa Ku fadhiyaa wakaalada Biyaha Berbera Sharci Gole oo ku waajahan maamulida iyo ilaalinta Biyaha Berbera Waayo ma ogaan karro biyaha Berbera qof ku nool magaalo kale waayo Berbera waa Magaalo xeebeda aan galin biyo la,aan Karin

Balse waxaa yaab leh xukuumada ilaa hada ku mashquulsan wareejinta Biyaha Berbera shacabka ayaa ilaa hada ka shakisan shirqoolka xukuumada ee ku aadan wareejinta Biyaha Berbera ee turkigu sameeyey oo aan ilaa hada cid wax u qaban marka la eegayo qaran ahaan balse degmada ayaa noqotay ta uu dulyaalo dayac tirka iyo ilaalinta Biyaha maadama ay ka wakiil yihiin adeegyada asaaska u ah Bulshada ee sida caafimaadka Biyaha Iyo Laydhka

Talaabadan sida xun ay xukuumadu uqaaday ayaa la dhawrayaa halkay cago dhigan doonto iyo dareenka shacabka oo kacsan tan iyo maalintii arinkanu bilaabmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here