Jubbaland Oo si Adag Uga Hadashay Dagaalkii ka Dhacay Muqdisho.

0
25

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si weyn looga hadlay weerarkii xalay lagu qaaday hoteelka ay deganaayeen Madaxdii hore ee dalka.

Jubbaland ayaa ku tilmaamtay falkaasi ku tumasho sharci iyo xukuumadda ay u adkeysan weysay banaanbax nabadeed ka dibna loo adeegsaday Ciidanka dowladda dhexe ee Soomaaliya oo lagu tala galay dagaalka Al-Shabaab.

“Dowlada goboleedka Jubaland waxay nasiib daro u aragtaa in Dowlada Federaalka ah ee wakhtigeedu dhamaaday, iyadoo awoodi kartay in ay ka shaqayso sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa kala duwanaanshaha afkaaraha, inay qaaday tallaabooyin gurracan oo ay ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si lamid ah siday ka samaysay Gobolka Gedo” ayaa yiri warka kasoo baxay dowladda.
Halkan ka Akhriso:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here