Jordan Henderson Oo Oohinta Xejisan Kari Waayay Markii Uu Daawaday Fariin Muuqaal Ah Oo Uu Jurgen Klopp U Soo Diray.

0
23

Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa oohinta xejisan kari waayay markii uu daawaday muuqaal uu ka helay macalinkiisa Jurgen Klopp oo ugu hambalyaynayay abaal marinta xidiga sanadka ee Football Writers’ Association.

Jordan Henderson oo soo maray xaalado aan la rumaysan karin intii uu Liverpool joogay isla markaana dareensan sidii uu waayihiisa ciyaareed ee Liverpool ugu dhamaan gaadhay fashil ayaa markii uu daawaday fariinta Klopp waxa uu jabsaday oohin.

Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa gabi ahaanba badalay aragtidii jamaahiirta kubbada cagta gaar ahaan taageerayaasha Liverpool oo waqti aaminsanaa in Henderson aanu waligii la guulaysan karin kooxdooda Reds balse hadda waxa uu gaadhay heer aan laga filayn.

Jordan Henderson ayaa Liverpool sare ugu qaaday afarta koob ee kala ah Champions League, UEFA Super Cup, Club World Cup iyo Premier League wuxuuna sidaa ku noqday kabtanka Championska Yurub, aduunka iyo England taas oo ay ugu biirtay in uu hantay abaal marinta xidiga sanadka ee Football Writers’ Association.

Markii la gudoonsiiyay abaal marinta xidiga sanadka ee Football Writers’ Association waxa uu Jordan Henderson la dabaal degay ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxdiisa Liverpool balse waxaa dareenka kubbada cagta qabsaday oohintii uu kaga falceliyay hambalyayntii Klopp.

Klopp ayaa fariintiisa muuqaalka ah ku gilgilay qalbiga Jordan Henderson kadib markii uu xusuusiyay sidii uu uga soo wareegay kooxda Sunderland ee uu u lahaa hami iyo riyo uu ku doonayay in uu maalin uun noqdo xidiga Premeir Leageu ugu fiican.

Waxa uu Klopp xusay in Jordan Henderson uu yahay ciyaartoy koobsaday dabeecad, maskax fikir fiican iyo waliba hibo ciyaareed wuxuuna ugu hambalyeeyay abaal marinta xidiga sanadka ee FWA ee uu ku guulaystay.

Halkan ka daawo muuqaalka qiiradii uu Klopp ku abuuray kabtankiisa Jordan Henderson

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here