Jihaad doonkii laga xayuubiyay Jinsiyadda

0
25
Neil Prakash
Image captionNeil Prakash

Neil Prakash oo ah Jihaad doonka aad loogu raadka joogay dalka Australia ayaa laga noqday jinsiyadda dalkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Australia Peter Dutton ayaa Prakash ku tilmaamay in uu yahay “shakhsi aad halis u ah”.

Saraakiisha sirdoonka ee dalka Australia ayaa sheegay in Prakash oo ku dhashay magaalada Melbourne uu ahaa tababare ka tirsan ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka sidoo kalana uu qaban-qaabin jiray weerarrada ka dhaca dalka Australia.

Haatan waxa uu ku xiran yahay dalka Turkiga halkaasi oo uu ku qaadanayo xukun xabsi oo la xiriira argagixisonimo.

Bishii july, maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa gaashaanka u daruurtay codsi ahaa in Praskash uu ciqaabta dambiyada uu geesytay ku maro dalkiisa hooyo.

War saxaafadeed ayuu Mr Dutton ku sheegay in Prakash uu daacish u ahaa xubin muhiim ah oo u qaabilsan Bariga Dhexe.

“Haddii Mr Prakash la siin lahaa fursad waxa uu dhibaatayn lahaa amaba dili lahaa dadka reer Australia,” ayuu yiri Mr Dutton.

Sanadkii 2017-kii mar uu ka soo muuqday mxkamad ku taalla Turkiga ayuu ka hor qirtay in uu ku lug lahaa weeraradii argagixiso ee ka dhacay Australia balse uusan boqolkiiba boqol mas’uul ka ahayn.

Waxa uu sheegay in lagu khasbayay sameeynta muuqaallada ururka Daacsih ee been abuurka ahaa, uuna sidaa uga soo baxsaday kooxda kadib marklii uu arkay wajigooda dhabta ah.

Prakash oo 27 sano jir ah ayaa waxa uu Australia ka soo tagay sanadkii 2013-kii ka hor inta uusan imaan dalka Suuriya waxaana loo bixiyay Abu Khaled al-Cambodi.

Sandakii 2015-kii ayaa waxaa si khalad loo soo tabiyay in duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay magaalada Mosul ee dalka Ciraaq.

Prakash waxa uu haystay laba jinsiyadood oo kala ah Fijian iyo Australian.

Sharciga Australiana waxaa uu dhigayaa in qofka haysta laba jinsiyad lagala noqon karo haddii uu qofkaasi uu galo amaba looga shakiyo dambiyo la xiriira xagjirnimo.

Prakash ayaa noqonaya shakhsigii 12-naad oo haysta laba jinsiyadood oo ay dawladda Australia kala noqoto jinsiyadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here