Jarmalka (Saxilnews)-Wasiir ku xigeenka maaliyada ee Jarmalka ayaa sheegay in Jarmalka uu soo dhawayn karo nus milyan qaxooti ah sanadkii dhowr sanno.
Sigmar Gabriel, hadalkiisa ayaa yimid iyadoo Gudiga Yurub uu kulmayo maanta si loo dhameeyo qorshe lagu dajinayo boqol iyo lixdan iyo shan kun oo qaxooti, oo intooda badan ka yimid Suuriya.
Hadii qorshaha Gudiga la ansixiyo, ganaax ayaa lagu soo rogi karaa waddankii diida inuu qaato qaxootiga oo yimid Talyaaniga, Gariiga iyo Hungary.
Ra’iisalwasaaraha Jarmalka ayaa maanta kula kulmi doonta Berlin ra’iisal wasaaraha Sweden.
maxamed xasan
saxilnews005@gmail.com