Jamhuuriyadda Somaliland waa QARAN HANAQAADAY oo ku guulaystay
inuu dadkiisa u horseedo nabad, degenaansho, horumar, dimuqraadiyad iyo
dawlad wanaag, sidaana ku soo caano-maalay sodonkii sano ee ugu
dambeeyey! Waxaa inoo dhisan Qaran ay u dhamaystiran yihiin dhammaanba
kaabayaashii lagama-maarmaanka u ahaa dawladnimada, wada
noolaanshaha bulshada, sugidda amniga iyo nabadda dadka iyo dalka.
Xilligan aynu ku jirno, waxa si weyn u muuqda hadimooyinka iyo hagardaamada qorshaysan ee ka dhanka ah qarannimada iyo gooni-isutaagga Jam.
Somaliland. Ummadda Jam. Somaliland waxay si cad u ogyihiin inay jiraan
Wadamo iyo Kooxo iyagu dano gaar ah leh oo iyagu hadh iyo habeenba ku
hawlan sidii ay u carqaladayn lahaayeen Somaliland, ha noqoto xagga
nabadgelyada, dhaqaalaha, horumarka iyo siyaasadda Arrimaha Gudaha iyo
ta Arrimaha Dibeddaba.
Dawladda iyo shacabka Jam. Somaliland waa ummad iyagu isku tashaday,
kana tashaday in ay cid kale u daba fadhiistaan danahooda! Ha noqoto
Beesha Caalamka ama kuwa iyagu aaminsan in Cadaadis iyo Caga-juglayn
lagu muquunin karo Jam. Somaliland, ha ogaadaan in aanay marnaba iyagu
go’aanmin karin, kana talin karin XAQA AAYA-KA-TASHIGA iyo arrimaha
MASIIRIGA AH ee ay leeyihiin ummadda Jam. Somaliland.
Haddaba, hadii aynu nahay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland sida keliya
ee aynu kaga bedbaadi karno waxyeelooyinka iyo hagardaamooyinka
qorshaysan ee ka dhanka ah Qarannimada Somaliland ee ay wadaan Beesha
Caalamka iyo kooxaha ay ku adeegtaan waxa weeyi afarta (4) arrimood ee
soo socda:
1. Inagoo ummad ahaan isku duuban (muxaafid iyo mucaaridba), waxa inagu
waajib ah in aynu u midowna danta guud ee Qarankeena, in aynu ka midowno
quluubta iyo qarannimada, in aynu danta guud ee ummadeena ka horraysiina
dano ay leeyihiin ashkhaas iyo kooxo gaar ahi;
2. In aynu kobcino dareen-wadareedka bulshadeena mideeya ee ku dhisan
qarannimo iyo bulsho wax wada leh, sidoo kalena aynu la dagaalano dareenka
qabyaalada oo ku salaysan bulsho kala qaybsan oo aan waxba wada lahayn;
3. In aynu ummad ahaan u diyaar garowno sidii aynu uga faa’iidaysan lahayn
fursadaha inooga bannaan isbedelladaa xawliga ku socda ee haatan ka socda
Caalamka xag Dhaqaale, xag Horumar, xag Isteraatijiyadeed iyo xag
Siyaasadeedba;
4. In aynu ummad ahaan u diyaar garowno sidii aynu uga bedbaadi lahayn
waxyeelooyinka inaga soo gaadhi kara hirdanka iyo ged-gedoonka Siyaasada
Caalamka ee waqtigan xaadirka ah ka socda dacalada dunida, si gaar ahna
ugu wajahan mandaqada Geeska Afrika;