Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa billaabay qorshe ay xilka uga qaadayaan masuul ka tirsan waaxda caddaaladda oo dusha kala socda baaritaanka lagu hayo in Ruushku uu farogaliyay doorashadii uu xilka ku qabtay madaxweyne Donald Trump.
Xildhibaannada Aqalka wakiillada ee xisbiga Jamhuuriga ayaa geeyay mawshin xilka looga xayuubinayo xeel ilaaliye ku xigeenka dalka Maraykanka Rod Rosenstein.
Xildhibaan Mark Meadows iyo Jim Jordan ayaa mawshinkaas gudbiyay fiidnimadii Arbacada
Waxay ku eedeeyeen in uu is hortaago baaritaannada, arrintaas oo ay diiday waaxda caddaaladda.
Si xilka looga xayuubiyo waxaa loo baahan yahay in aqlabiyadda Aqalka Wakiillada iyo saddex meeloodoow labo ka mid ah Aqalka Senetka.
Waa kuma Rod Rosenstein?
Toddobaadyadii uu noqday ku xigeenka xeer ilaaliyaha guudba bishii Abriil ee 2017kii, Rosenstein ayaa muran lugaha la galay ka dib markii qoraal aan rasmi ahayn oo uu qoray loo arkay in ay ahayd sababtii uu madaxweyne Trump u qaatay go’aanka uu ku eryay madaxii hay’adda dambibaarista Maraykanka ee FBI, kaas oo baaritaan ku hayay eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogaliyay doorashadii Maraykanka ee 2016kii.
Rosenstein ayaa markaas ka dibna magacaabay Robert Mueller si uu u noqdo dacwad oogaha khaaska ah ee dusha kala soconaya baaritaannadaas.
- Kaaliyihi hore ee Trump oo diiday inuu Ruushka u basaasay
- 6 arrrimood oo ay Shiinaha ku aargoosan karaan dagaalka ganacsiga
- Shax ahaan uga bogo saamaynta cunaqabataynta Iiraan
Horraantii bishanna waaxda caddaaladda ee dalka Maraykanka ayaa dacwado ku soo oogtay 12 sirdoon oo Ruush ah, kuwaas oo loo haysto in ay jabsadeen macluumaad ay leeyihin masuuliyiinta xisbiga Dimuqraadiga intii lagu gudajiray doorashadii 2016kii.
Inkastoo Rosenstein uu sheegay in aysan jirin “wax caddaymo ah uu muujinaya in ay isbadal ku sameeyeen codadka ama natiijada doorashada”, ku dhawaaqitaankaas ayaana yimid wax yar uun ka hor kulankii muranka badan dhaliyay ee Trump uu Helsinki kula yeeshay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.