Jamaal Cali Xuseen Oo Guddida Diwaangelinta Ururrada Ugu Baaqay Inay Deg-deg U Galaan Dacwadda UCID & Faysal Cali Waraabe Oo Loogu Baaqay Inuu Iscasilo

0
20

Faysaloow, Wakhtigaas Wakhtigiisii waxeynu isku ogeyn haddii aad ka soo jawaabi weydo waan sheegayaa…”Xoghayaha Golaha Dhexe Ee UCID.

Hargaysa(Saxilnews.com) –  Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Guddida Diwaangelinta Ururrrada Siyaasadda ugu baaqay inay si deg-deg ah u galaan Dacwadda u dhexeysa Faysal Cali Waraabe ee uu dhawaan u Gudbiyey.

Warka labaadJamaal Cali Xuseen oo daba socday Qoraal uu Faysal Cali Waraabe habeen hore ka soo saaray Hargeysa isla-markaana ku sheegay inuu Xilka iyo Xubinnimada Xisbigaba ka qaaday Xoghayaha Golaha dhexe ee Xisbigaa Mr. Sabce, ayaa sheegay inaanu Faysal awood u lahayn inuu xilka ka qaado Xoghayaha Golaha dhexe.

Jamaal oo Arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Ninkii Meydku ka dhacay wuxuu yidhi, Hadduu sii Go’ay, waxaan leeyahay Faysal Cali Waraabe Hadda ayuu sii Go’ay, Waayo? Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga waxa Shaqada ka joojin kara oo keliya Golaha dhexe, sidaasina waxay ku taallaa Xeerka Xisbiga.”

Jamaal, waxa kale oo uu sheegay, “Bulshada Somaliland waxaanu u sheegaynaa Dadkaa uu Guddoomiyuhu leeyahay waan eryay, waxaanu leenahay Ma Eryi karo oo Xaal baanu ka bixineynaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaan Guddida Diwaangelinta Ururrrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta ugu baaqayaa inay si deg-inkayaga u galaan Dacwaddayada.”

Sidoo kale, Xoghayaha Golaha dhexe ee Xisbiga UCID Xassan Cismaan Sabca oo isaguna ka hadlay Xil ka qaadista uu Faysal uu sheegay inuu ku sameeyay, ayaa yidhi, “Faysal waxaan leeyahay in badan  baa waxan lagugu samraayey ee waxaad ku dhimanaysaa waa fuud kulul.”

Sabce, waxa kale oo uu sheegay, “Faysaloow, labadeenu weynu is ognahay oo wakhtigaas wakhtigiisii waxeynu isku ogeyn haddii aad ka soo jawaabi weydo waan sheegayaa, markaa halkaad ka galeyso bulshada Adigaa yaqanaa. Shirkii Golaha dhexe-na sidiisii ayuu u  qabsoomayaa, wixii aad eed gasheyna waa ay kuu yaalaan, markaa waxaa kuu wanaagsan maanta inta lagaaga xayuubin lahaa Shirka Golaha dhexe inaad iska casisho.”

Maxamed Cali Dhuux

Berbera-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here