Kooxda Unai Emery ayaa ka soo kabsatay gool looga hormaray iyagoo dhibic ku helay kulankii ay Emirates Stadium kula ciyaareen kooxda aan weli laga badinin ee Liverpool.
Taageerayaasha ku dhex jiray garoonka ma aheyn kuwa isdhiibay, halka hab dhaqanka ciyaartoyda uu ahaa mid aad u fiican xitaa kuwa aan ciyaarin.
Stephen Lichtsteiner ayaa ahaa bedel aan la isticmaalin laakiin taasi lama micno aheyn inuu 90ka daqiiqo fadhiyay kursiga keydka.
Taas bedelkeeda, taageerayaasha Arsenal ay arkeen isagoo taagan aaga farsamada, islamarkaana ciyaartoyda u dhiibaya caagag biyo halka uu xitaa jaakad siiyay Pierre-Emerick Aubameyang markii la bedelay.
Lichtsteiner ayaana mararka qaar ka soo horeeyay tababare Emery isagoo dhiirogelinayay ciyaartoyda markii ay barbareeyeen Liverpool. Waana hogaaminta ceynkaas oo kale ah wixii ay Arsenal ka doonayeen Lichtsteiner.
Darren ayaa soo qoray: “Stephen Lichtsteiner waxa uu taagnaa aaga farsamada isagoo ciyaartoyda dhiirogelinayay ka dib markii aan barbareynay. Waa tan sababtii aan u soo iibsanay isaga. Waa ciyaaryahan ceynkaan oo kale ah midka aan u baahanahay inuu ka dhex muuqdo qolkeena labiska. Dabci wanaagsan, waxaana uu mar walba kooxda ka hormariyaa naftiisa.”
Chris ayaa isna yiri: “Dadku sidii ay doonaan ayay wax uga sheegi karaan, waxayna dhihi karaan wuu gaboobay, waana ay ka dhamaatay, laakiin waa arintaan waxaan ku jeclahay isaga. Ninkaan waa hogaamiye, waa guuleyste aan marnaba is dhiibeynin.”