Jabuuti oo kordhisay xayiraadda, maxay tahay sababta?

0
17

Jabuuti(Saxilnews.com)Raysalwasaare Cabdulqaadir Kaamil Maxamad ayaa sheegay in muuddo Toddobaad ah lagu daray muddada xayiraadda dalka jabuuti.

”Kaddib markii aan aragnay in shuruudaha ka bixitaanka xaaladda xayiraadda aan si buuxda loogu guuleysan xukuumaddu waxay go’aansatay in lasii joogteeyo go’aankii guryo joogista ilaa 17-ka bishan May.” ”Amnigiina iyo bedqabka bulshadu waa mudnaanta goobad”, ayuu yiri Raysalwasaare Cabdulqaadir.

Raysalwasaare Cabdulqaadir Kaamil ayaa carrabka ku adkeeyay in dadku ay guryahooda ku nagaadaan oo ay kala fogaanshaha ilaaliyaan.

Go’ankan ayaa waxa u imanaya xilli ay horay xukuumadda Jabuuti u shaacisay inay malinta Axadda ah qaadayso xayiradda saaran dalka kaddib marki aay hoos u dhecen kisaska cudurka Covid-19 ee dalkaasi.

Shalay ayaa waxaa dalka Jabuuti laga xaqijiyay 54 kiis oo cusub halka maantana 21 kiis oo hor leh la shaaciyay taasi oo tirada guud ka dhigeysa 1210 qof. Waxayna u muuqataa in kororkaasi uu sababay muddo kordhinta xayiraadda.

Dadka u geeriyooday xanuunka Covid-19 ayaa aad u yar dalkaasi Jabuuti marka loo barbardhigo dalka dariska la ah sida Soomaaliya oo waxaa u dhintay xanuunka 3 qof.

Balse dhanka kale Jabuuti ayaa ah waddanka uu saameynta ugu weyn ku yeeshay Covid-19 marka loo eego dhammaan dalalka kale ee gobolka Bariga Afrika.

Waxay tiro aad u badan ka sarreysaa waddamada dariska la ah ee Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia.Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka Jabuuti gacanta ka siinaya sidii ay ula tacaali lahayd xanuunka Covid-19 ee sida weyn ugu faafay.

.

Koox ka kooban 12 khabiir oo caafimaad oo ka socda Shiinaha ayaa horay u gaaray magaalada Jabuuti kuwaasi oo la shaqeeyna dhakhaatiirta reer Jabuuti ee safka hore uga jira la dagaallanka coronavirus.

Mowduucyada la xiriira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here