Waligiis ma dhigan dugsi Quraan, dugsi hoose, dhexe ama sare; maanatana waa bare jaamacadeed. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu ku tilmaamay mar-la-arag isagu wax is baray, kadibna isu xilqaamay kobcinta kasmada dhallinyarada. Waa taliyihii ugu horreeyay ee Sirdoonka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Sarreeye-gaas Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare).
Jaamac M. Qaalib wuxuu ku dhashay deegaanka Dhoodi-gaban oo bari uga beegan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag sanadkii 1933dii. Markii ay hooyadii geeriyootay ayuu ka soo hayaamay miyiga isaga oo 12 jir ah, kadib markuu u adkaysan waayay rajanimada iyo nolosha adag ee miyiga. Xilligaas Hargeysa oo dhan uu ku yaalay iskuulkii hoose-dhexe ee Fisher oo shuruudaha aqbalaadda ardayda ay ka mid ahayd in uu Qur’aanka dhammeeyay. Sababtaas ayuuna Jaamac Yare ku waayay fursadii uu ugu biiri lahaa dugsigaas.
Luuqadda Ingiriiska
Maadaama af Ingiriiska ahaa luuqadda kaliya ee loogu shaqeynayay Maxmiyadda Ingiriiska ayuu isago oo 13 sano jir ah wuxuu ku biiray xibisgii SYL, si uu u dhigto koorso lagu baranayay af Ingiriiska oo muddo lix bil ah xubnihii SYL loogu qabtay xaruntii xisbigaas ee magaalada Hargeysa.
Af Ingiriiskii uu ka bartay xaruntii SYL ayaa u furay albaab kale, oo isaga oo 15 sano jir ah ayuu biyatooni (Office Boy) ka noqday xafiiska Hawlaha Guud, April 1948. Mar kale ayuu 1950kii ka qaybgalay koorso luqadda Ingiriiska ah oo muddo saddex bilood ah loo dhigayay Naadigii Shaqaalaha Soomaalida. Kadibna karraannimo ayaa loo dalacsiiyay 1952dii.
“Intii aan karraaniga ahaa waxaan baran jiray makiinadda faraha ee wax lagu qoro (Typewriting) oo berigaas wax weyn karraaniga u ahayd. Karraaniinta waxaa sanad walba laga qaadi jiray imtixaan, qofkii ka baasana waa la dallacsiin jiray. Dec 1953 ayaan u fadhiistay imtixaankii oo 8 maaddo ahaa. 6 maaddo ayaan ku dhacay, 2 maaddo oo Ingiriis iyo Typewriting kala aheydna waan ku baasay,” ayuu Jaamac Yare BBC u sheegay.
Taliyihii ugu horreeyay ee sirdoonka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Sarreeye-Gaas Jaamac Yare oo hadda ah bare cilmiga taariikhda siyaasadda Soomaaliya ka dhiga jaamacadaha SIMAD iyo CITY waa taliyahii ugu horreeyay ee Sirdoonka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay 1962 – 1966. Shaqada Booliska wuxuu ka bilaabay karraaninimo isaga oo si rasmi ah booliska Somaliland ugu biiray April 1955tii. Markii uu shahaadada qaanuunka ka qaatay machadkii tababarrada ee Sheekh ayaa lagu qoray Saldhiga booliska ee Berbera oo uu saddex bil ka shaqeeyay, halkaas ayuu ku guursaday, kadibna waxaa looga sii bedelay saldhiga booliska ee Hargeysa.
Markii uu 1959kii ka soo laabtay machadka Metropolitan Police ee magaalada London oo uu sanad ku maqnaa ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska ee magaalada Hargeysa. Wuxuuna xilkaas hayay ilaa maalmihii xurriyadda.
Waxaana u xigtay 10 sano uu Wasiir ka ahaa Dowladdii Kacaanka. Wuxuu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha(1974-1976), Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada(1977-1978), Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Miyiga(1978-1982) iyo Wasiirka Gaadiidka(1982-1984).
Muxuu uga tagay shaqada dowladda kahor burburka?
Soddon sano oo uu kaalin mug leh ku lahaa dowladnimada Soomaalida kadib, Janaraal Jaamac wuxuu isaga tagay shaqada dowladda 1984tii. Waa dhammaadka cimrigii dowladdii Kacaanka, oo ay ku sii xoogeysanayeen jabhadihii hubeysnaa iyo kacdoonkii shacabka gudaha. Janaraal Jaamac wuxuu sheegay in wixii ka dambeeyay Afgembigii dhicisoobay ee April 1978, uu hoggaamiyihii kacaanka Maxamed Siyaad uu shaki weyn ka qaaday dadkii la shaqaynayay. Markii la toogtay saraakiishii qorsheysay afgembiga Octoobar 1978, waxaa xabsiga la dhigay 7 ka mid ahaa Golihii Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga oo lagu eedeeyay in ay inqilaab maleegayeen, oo ay ka mid ahaayeen Ismaaciil Cali Obokor, Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Cumar Carte Qaalib. Waxaa sidoo kale howlgab laga dhigay 8 Janaraal oo ka mid ahaa labeentii ciidanka, sida Cabdiraxmaan Warsame Cilmi(Caarre), Ismaaciil Neero iyo Cabdiraxmaan Cali Cumar, iyadoo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka laga dhigay wiilkii madaxweynaha, Maslax Maxamed Siyaad.
“Waxaa la qabyaaladeeyay qaranka, oo xilalkii waxaa lagu tixay ehelka madaxweynaha. Ma dooneyn in aan masuuliyad-wadareedka qaladkaas wax ku yeesho, sababtaas ayaana shaqada Dowladda uga tegay” ayuu yiri Jaamac Yare.
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari oo agaasime guud ka ahaa wasaaraddii Shaqada iyo arrimaha bulshada ee uu Janaraal Jaamac wasiirka ka ahaa wuxuu sheegay in uu Jaamac ka mid yahay dadkii ugu dunta wanaagsanaa ee uu la shaqeeyay.
Wuxuu noqday qareen isaga oo xafiis nootaayo ka furtay Muqdisho, xubinna ka noqday Ururkii Qareennada Soomaaliyeed. Wuxuuna beer ka tacbaday degmada Afgooye. Xilliyada damaashaadka, wuxuu golf iyo tennis u ciyaari jiray Naadigii American Golf Club ee Muqdisho.
Markii ciidamadii dowladdu duqeeyeen Hargeysa ee shacab badan la xasuuqay 1988dii, wuxuu Jaamac ka mid noqday dadkii ka gadooday ee jabhadaha taageeray. Wuxuu xiriir hoose la sameeyay aasaasihi ururkii USC, Dr Ismaaciil Jimcaale Cosoble, wuxuuna taageeray jabhaddii waqooyiga ee SNM. “Waxaa laga quustay in kacaankii hagaago, sababtaas ayaana jabhadaha u taageeray, maalinna taageeradaas kama shallaaynin, in kastoo aan aaminsanaa in aysan SNM dalka kala goyn doonin, sidii ku qornayd Axdigoodii.” Jaamac Yare
Janaraal Jaamac wuxuu ka mid ahaa guddigii Sulux ee Maxamed Siyaad la shiray si dalka burburka looga badbaadiyo. Shirkaas waxaa lagu go’aamiyay in Maxamed Siyaad uu Raysulwasaare magacaabo. Jaamac ayaana loo bandhigay in uu dalka Raysulwasaare ka noqdo, balse wuu ka cudurdaartay, isagoo ku taliyay in xilkaas lala sugo SNM oo Waqooyiga qabsatay. Waxaase markiiba loo magacaabay Cumar Carte Qaalib.
Burburkii ka dib iyo macallinimo
Burburkii kadib, Jaamac wuxuu kaalin ka qaatay dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya. Shirkii Carta ee dib-u-heshiisiinta Soomaalida, Jaamac wuxuu Guddoomiye u ahaa Guddigii Axdi-qarameedka diyaariyay, wuxuuna door weyn ku lahaa shirkii 2002 ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
Duullaankii Itoobiya 2006-dii kadibna, wuxuu noqday Guddoomiye-ku-xigeenkii ururkii dib-u-xoraynta Soomaaliya ee looga dhawaaqay magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Wuxuu af Soomaali iyo Ingiriis ku qoray ilaa lix buug oo kii ugu dambeeyay uu yahay Taariikhda Soomaalida (2019).
“Xogogaalnimo waa ta Jaamac Maxamed Qaalib, xilkasnimo taariikh ummadeed loo soo tabiyaana waa tiisa. Buugga “Taariikhda Soomaalida” ee Jaamac qoray waa dhaxal weyn oo noociisa aad iyo aad loogu baahan yahay” Ibraahin-Hawd Yuusuf
Halgan adag oo shaqo iyo wax-is-barid ah ayuu soo galay. Waligiis Dugsi Qur’aan, dugsi hoose, dhexe, sare iyo jaamacad ma dhigan. Maantana wuxuu macallin ka yahay jaamacadaha SIMAD iyo CITY oo uu ilaa 2013kii ka dhigayo taariikhda siyaasadda Soomaaliya.
“Waxaan macallin noqday anigoo 80 jir ah. Da’ baan ahay oo xusuusta ayaan ku ilaashadaa, iyo in aan dadka ugu faa’iideeyo waxa aan garanayo. Maalinkii uu cashirku si fiican u baxo waan raaxeysanayaa oo habeenkeeda si fiican baan u seexdaa, maalinkii aan dareemo in wax qaldan yihiin oo aysan ardaydu si fiican ii fahminna waan ka walwalaa, waxaana ka fikiraa sidii aan qaladkaas u sixi lahaa,” ayuu yiri Jaamac Yare.
Waa bare ka dhex tilmaamay macallimiinta. Maxamed Kaafi oo ka qalinjabiyay Jaamacadda City wuxuu Janaraal Jaamac ku tilmaamay macalin dhinac walba uga duwan barayaaashii kale ee uu kula kulmay safarkiisa waxbarasho. “Waligay ma arkin qof ka waqti-ilaalis badan. Isagoo waayeel ah ayuu hadana xiisada nooga soo hormari jiray, daqiiqadna ma uusan fariisan jirin. Si lexajeclo iyo waalidnimo leh ayuu noogu hagarbaxay.” Raxma Caraaye oo SIMAD ka baxdayna waxay ku tilmaamtay maktabad qof ah.
July 09, 2017 madaxweyne Farmaajo ayaa Janaraal Jaamac u magacaabay guddoomiyaha guddiga taakuleynta ciidamada qalabka-sida, balse Jaamac xilkaas wuu ka cudurdaartay. “Labo sabab ayaan u diiday. Horta ciidan qaran taakuleyn iyo tabarucaad laguma dhisi karo, aniguna tabar uma hayo oo xil qaran waan ka gaboobay.” Janaraal Jaamac
Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib isagoo 88 jir ah ayuu hadda ku nool yahay Muqdisho. “Magaalada Muqdisho iyo dadkeedaba waan jeclahay. Cimrigayga inta ugu badan iyada ayaan ku qaatay. Maalmihii xurriyadda oo aan imid aniga oo 27 jir ah ilaa iyo manta oo aan 88 jir ahay waqtigii ugu badnaa ee aan Muqdisho ka maqnaa waa markii Itoobiya nagu soo duushay 2006dii oo aan 5 sano ku maqnaa Asmara, Eritrea.”
Jaamac waa labo xaasle, waana aabbaha 9 carruur ah. Cimrigiisa Eebbe ha u barakeeyo