Israel oo Iiraan ku eedaysay argagixisnimo kadib weerarkii markab shidaal?

0
28
Yair Lapid wasiirka arrimaha dibadda

Israel ayaa ku eedaysay dowladda Iiraan inay ka dambaysay weerar lagu qaaday markab shidaal oo ay ku dhinteen laba shaqaale ah kuwaas oo ka soo kala jeeda dalalka Ingiriiska iyo Romania.Doonidan oo ay maamusho shirkadda fadhigeedu yahay magaalada London ee Zodiac Maritime, ayaa ka baxday xeebaha Cumaan markii shilku dhacay khamiistii.

Shirkaddan oo uu leeyahay milkiilaha maraakiibta Israa’iil Eyal Ofer, ayaa sheegtay in ay waddo baaritaan la xiriira sidii lagu oggaan lahaa wixii dhacay

Balse wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Yair Lapid ayaa Jimcihii shalay ku eedeeyay Iiraan argagixisnimo.

“Iran kaliya maahan dhibaato Israa’iil,” ayuu Mr Lapid ku yiri bayaan uu soo saaray, isagoo raaciyay: “Dunidu waa inaysan aamusin.”Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta weerarka ayaan weli si quman loo caddayn. Iiran ayaana weli ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay.

Dhacdadaan ayaa u muuqata mid si weyn kor ugu sii qaadeysa xiisadaha ka taagan gobolka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay ku lug lahayd weerarka.Afhayeen u hadlay dowladda UK ayaa sheegay inay sidoo kale isku dayayaan inay “si deg deg ah u xaqiijinayaan sida wax u dhaceen.

“Waxaan murugada la dareemaynaa ehellada muwaadinka British-ka ahaa ee dhintay ka dib shilkii ka dhacay xeebaha Cumaan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda Ingiriiska.

Waxaa kaloo lagu yiri qoraalka maraakiibta “waa in loo oggolaado inay si xor ah u socdaalaan oo waafaqsan sharciga caalamiga ah”.

Qoraal ay baraha bulshada ku faafisay Jimcihii, Zodiac Maritime ayay ku shaacisay dhimashada labada qof ee shilka waxaana ay ku tilmaantay dhacdadaas” Murugo aad u weyn” .Inta la ogyahay ma jiraan wax dhaawacyo ah oo ka dhashay weerarka lagu qaaday Doonida.

Shirkadda Markabka ayaa sheegtay in markabku uu hadda ku jiro ” gacanta shaqaalaheeda” uuna ku sii jeedo meel ammaan ah oo ay la socdeen ciidammada badda ee Mareykanka.

Mas’uuliyiinta Hawlaha Ganacsiga Badaha ee UK magacoodana loo soo gaabiyo UKMTO ayaa sheegay inay baarayaan dhacdadan, oo ka dhacday meel u dhow jasiiradda Cumaan ee Masirah, waxayna xaqiijiyeen in “ciidamada isbahaysiga” ay caawinayaan markabka.Waaxda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka ayaa iyana sheegtay inay aad uga walaacsan tahay wararkaas ayna si dhow ula socdaan xaaladda.

Markabkan ayaa ka soo ambabaxay magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania, waxaana uu ku safrayay waqooyiga badweynta Hindiya isagoo ku sii jeeday dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Sida laga soo xigtay Zodiac Maritime, wax shixnad ah ma saarneyn marka uu shilku dhacayay.

Dhowr dhacdo oo hore oo lagu wax yeelleeyay maraakiib ay leyihiin Israa’iil iyo Iiraan ayaa ka dhacay aaggaas. Maraakiibta ayaa waxyeelo ka soo gaartay dhacdooyinkan, balse khasaaraha ayaa aad u yar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here