Maxkamadda ugu sarraysa Israa’iil ayaa muruashaxnimada doorashada bisha soo socota ka hor istaagtay Michael Ben-Ari oo madax u ah xisbiga Jewish Power ama Awoodda Yuhuudda.
Go’aanka ay maxkamaddu gaartayna wuxuu meesha ka saaraya mid kii ay horay u gaareen guddiga doorashada.
Ben-Ari ayaa dhaliil kala kulmay hadalkii u ka yiri Carabta Israa’iil.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Isra’iil Avichai Mandelblit ayaa sheegay in hadalka uu yiri uu u dhigmo kicin iyo cunsurinimo.
- Kenya oo dhistay 10km oo ah gidaarka xadka Soomaaliya, balse fadeexad ayaa ka taagan
- Aqalka wakiillada ee Maraykanka oo cambaareeyay Islaam iyo Yuhuud nacaybka
- Macbad ay Yuhuud leeyihiin oo ay dad Muslimiin ah daryeelaan
Maxkamadda ayaa sidoo kale ogaalatay xisbiyadii Carabtu in ay ka qayb qaadan karaan doorashada 9 Abriil dhacaysa oo horraan looga hor istaagay.
Waxaa doorashada looga hor istaagay hadalladii adkaa ee ay ka dhaheen xukuumadda Israa’iil iyo Ciidammada qalabka sida ee Israa’iil.
Ka hor doorashada Ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu ayaa xulafo la noqday qaar ka mid ah xisbiyada siyaasaddoodu midigta fog tahay isaga oo isku dayaya in uu taageero ka helo.
Xisbigiisa Likud ayaa u muuqda in uu doorashada door wayn ka ciyaari doono inkastoo ay socdaan baaritaanno lagu hayo oo la xiriira musuqmaasuq