ISKU SHAANDHAYN LA FILAYO IN MADAXWEYNE MUUSE BIIXI SAMEEYO IYO MASUULIYIINTA LA MAGACAABAYO QAAR KAMIDA XOGTOODA LA HELAY

0
20

Hargaysa (Saxilnews.com)-Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu isku bada iyo Magacaabis cusub ku sameeyo Golihiisa Wasiirada ka dib soo celintii Golaha Wakiiladu ku diideen in ay ansixiyaan maauuliyiintii mudo dhaafay ee uu Muuse Biixi magacaabay bishii September ee sanadkii hore.

 

Xogo aanu helay ayaa sheegaya in Madaxwaynuhu uu mar kale magacaabayo wiilka uu Sodog uyahay Madaxweynihii Hore ee Somaliland Axmed Siilanyo ee Baashe Cawil Cumar, oo Hore u diiday wareegto Madaxwayne Muuse Biixi ugu magacaabay Wasiir Kuxigeen.

Baashe Cawil ayaa damaciisu ahaa inuu helo wasiir buuxa, kaas oo uu ka waayay wareegtadii uu ka filaayay Muuse Biixi xiligii uu ubaahnaa.

Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada warfaafinta Cabdinaasir Cumar Jaamac Uu Madaxwayne Muuse Biixi xilka ka qaaday 2 Sep 2021 ayaa dib Madaxweynuhu umagacaabay ka dib markii uu xilkaasi diiday safiirkii hore ee Kenya Baashe Cawil Oo laga dhigay wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha dibada Somaliland.

Wasiir ku xigeenka arimaha dibada Cabdinaasir Cumar Yare ay isku deegaan yihiin Baashe Cawil ayaa la filayaa in markii labaad uu Madaxwayne Muuse Biixi sadqeeyo xilkiisa, isla markaana uu ka door bido Baashihii 120 cisho ka hor diiday wareegtadii uu Madaxwaynuhu ku magacaabay.

Wasiirka hada ee wasaarada arimaha dibada Ciise Keyd ayaa isagana la filayaa in Madaxweyne Muuse Biixi umagacaabo Wasiirka Caafimaadka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here