ISKA JIR KIBIRKA IYO ISLAWAYNIDA: By Farhan Mohamed Sultan (Rakad).

0
27

ISKA JIR KIBIRKA IYO ISLAWAYNIDA: By Farhan Mohamed Sultan (Rakad).

Waxaan si gaara u salaamayaa bahda Bahda warbaahinta qaybaheeda kala duwan meelkasta oo ay joogaan bacda salaan waxaan aan ka hadli doonaa dhibaatooyinka kibirka iyo islawaynida  iyo sida loo joojin karo.

 

 

Kibirku wuxuu la mid yahay qof buur saaran qofkaas oo aaminaya inuu yahay kii dadka ugu wanaagsanaa, ugu saxsanaa , ugu cilmo badnaa, ugu aqoon badnaa.
Isla waynidu waa dhaqan aad u xun kaas oo dadka qaarkii leeyihiin, sidaa daraadeed waxa wanaagsan in Qofkasta niyada ku hayo inuu iska ilaaliyo haddii uu wax haysto iyo haddii kalaba, markastana niyada gali inaad la siman tahay dadka,markastana dadka si wanaagsan ula dhaqan , waxaanad ula dhaqantaa sidaad jeceshay in laguula dhaqmo, waxaad markasta dadka ku caawisaa inaad siisid, aqoontaada, diintaada wanaagsan waa ta muslimkee, inaad dar ilaahay u caawisid cidkasta oo baahan niyada ku haysid inaad dadka la siman tahay.,
ha noqon mid maalintuu wax helo is qaad-qaada , is waynaysiiya, dadka tusa inuu wax haysto, laakin noqo mid markasta dadka la siman , la dhaqan ah, la dabeecad ah, markasta ay u siman yihiin hadduu wax haysto iyo haddii kalaba,
Muslimku Wuu siman yahay sida salaada Jamacu u siman tahay.
Noqo mid dadka qancin kara , kuna odhan kara Hadal wanaagsan oo naxariis leh, hadaad wax u heli kartidna wax sii dadka baahan , haddii kalana dheh hadal wanaagsan oo gaadha ama wax tara halkii baahnayd qofkaasi.
Noqo mid jecel caruurta, markasta dhunkada caruurta yar-yar taasi waxay markhaati ka tahay inaad tahay qof naxariis leh, oo qalbigiisu fadhiyo iimankiisu , dadkana la siman.

Ilaahay SWC wuxuu idinka soo saaray hooyooyinkiin idinkoon wax aqoona aan garanayn , ayuu idinka soo saaray caloolaha hooyooyinkiin oo daciifa.
waxaanu inoogu daray waa ALLE , Maqal, Aragti, Qalbi,intaasina waa sadexda wado ee cilmiga lagu helo.
Idinkoo sadexdaan aan ka faa’ideysan karayn ayaan idin Abuuray.

inagoo soo marnay wadooyinkaas Alle SWC inoo sheegay maaha inaynu noqono dad isla wani leh , laakin waxa laynooga baahan yahay inaynu noqono kuwo leh, Naxariis iyo dad la dhaqan wanaagsan.

Iska jir inaad noqotid mid ah I maqlaay, i arkaay.
Iska jir bakhaylnimada.
ISKA jir xoolahaaga diinta ilaahay ha kaga bakhaylin,
Iska jir inaad wakhtigaaga diinta ilaahay kala bakhayshid
Iska jir inaad dadka aad wax siisaan hadal xun daba dhigtaan ALLE dartii wax u bixi.
Iska jir inaad noqotid mid naftiisa Amaana.
Iska jir inaad noqotid qof is mahadiya oo naftiisa,reerkiisa,qabiilkiisa, markasta amaana taasi waxay kaa kaxaynaysaa khayrka.

Ogowse faanka iyo ismahidinta faraha badan dadkaa kugu nacaya oo markasta kaa sheekaynaya.

Noloshaada ka saar ISLA WAYNIDA SI AAD ALLE UGU DHAWAATO, UNA HESHID NAXARIISTA ALLE.

Waxaan ku soo afmeeri lahaa tixda tiraahda ,  Ragow kibirka waa lagu kufaa ee ka ha la ogaado

La soco.
By Farhan Mohamed Sultan (Rakad).

Social activist/Free Journalism

Post number:  RP 141

Mobile; 063-4400319

Email: farxaanmxd@gmail.com

Berbera/somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here