Intee dhan tahay awoodda militari ee Taliban?

0
16
Dagaalyahanada Taliban

Kooxda Talibaan ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ay guulo la taaban karo ka soo hoynayeen dagaalka dalka Afqaanistaan iyagoo hadda qarka u saaran inay la wareegaan guud ahaan dalka.

Ururka Taalibaan oo haatan wada guluf culus oo uu kula wareegay inta badan magaalooyinka muhiiimka ah ee dalkaasi ayaa waxaa 2001-dii awoodda ka tuuray Mareykanka oo waqtigaas Afgaanistaan xoog ku galay.

Taliban waxay imika kaabiga ku hayaan magaalada Kabul ee xarunta dalka Afqaanistaan.

Awoodda militari ee Taliban

Lama hayo tiro sax ah oo ku saabsan awoodda militari ee kooxda Taliban ee dalkaasi Afqanistaan.

Balse khubrada u kuur gasha ayaa ku qiyaastay ku dhowaad 150,000 dagaalamayal taasi 50% ka yar tirada milatariga Afqaaistaan.

Dagaalyahannada Talibaan ayaa waxaa u badan qabiilka lagu magacaabo Bashtuun.

Balse waxaa sidoo kale jira dagalyahano kale oo ka soo jeeda qabaa’ilo kale iyo waliba dalal kale oo Muslimiin ah.

Kooxda Talibaan ayaa u dhisan si ka duwan sida ururada kale ee mintidka ah islamarkana waxay leeyihiin hoggaan nidaamsan.

Waxaa inta badan kooxda hogaanka militari u haya abaanduulayaal la so dagaalamay midowgii sofiyeet xilligii sagaashameeyadii.

Abaanduulayaashan ayaa waxay khibrad u leeyihiin sida loo weeraro iyo dhinacyada ugu sahlan ee laga weeraro magaalooyinka muhiimka ah ee dalkaasi.

Dhanka awoodooda marka loo barbar dhigo xilligiii xukunka laga tuuray 2001-dii aad ayay uga hooseysaa.

Dagaalayahanada Taliban ayaa la sheegay in waxyaabaha u sahla in ay dagaalada ku guuleystaan ay ka mid tahay inay yaqaanaan qaabka loogu dagaalamo dhulka howdka iyo waliba buuraleyda.

Dagaalayahanada ururka Taliban ayaa waxay intooda badan ku hubeysan yihiin hubka fudud, balse waxaa sidoo kale jira in ay haystaan hubka culus ee Tignikada loo yaqaan. Lama ogo tirada saxda ah ee saandooda milatari

Hebatullah Akhundzada

XIGASHADA SAWIRKA,AFGHAN ISLAMIC PRESS

Qoraalka sawirka,Hebatullah Akhundzada

Hogaamiyaha Kooxda

Hebatullah Akhundzada ayaa hoggaanka ururka Taalibaan ee Afgaanistaan la wareegay 26-kii May 2016, markaas oo golaha shuurada ee xaradaka ay xilkaasi u magacaabeen.

Waxaa uu badalay hogaamiyihii hore ee ururka ee Akhtar Maxamed Mansuur, kaas oo lagu dilay weerrar dhanka cirka ah oo ay 22-kii May 2016-kii soo qaadday dayuurad Ameerikaan ah.

Hebatullah waxa uu dhashay 19-kii Oktoobar sanadkii 1967, sida lagu sheegay taariikhdiisa lagu shaaciyay barta internetka ee rasmiga ah ee ururka Taalibaan.

Waxa uu ku dhashay degmada Bajway ee gobolka Gandahaar, waxa uuna ka soo jeedaa qowmiyadda Bashtuuga.

Waxaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay xubnihii aasaasay xarakada Taalibaan waxaana kaaliye dhaw u ahaa aasaasaha urukaasi Mulah Maxamed Cumar.

Taarikh kooban Taliban

Dagaalyahanada Taliban ayaa soo ifbaxay horraantii sanaddii 1990,waxa ayna markii hore ka billawdeen waqooyiga Pakistan.

Waxa ay kooxdan soo ifbaxday ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii midowga Soofiyeet ee dalka Afqanistan.

inta badan xubnaha ka tirsan Taliban ayaa waxa ay u badan yihiin qowmiyadda Pashtun oo ah qowmiyada ugu tirada badan Afqanistan.

Waxaa la rumaysan yahay in markii ugu horreysay oo ay howshooda bilaabayeen ay qarash ka heli jireen dalka Sacuudi Carabiya.

Markii ay Afqanistaan la wareegeen waxa ay kooxda Taliban dalkaasi ku soo rogeen Shareecada Islamka.

Intii ay xukumayeen dalka Afqanistaan waxay kooxda Taliban ay mamnuuceen dhagaysiga heesaha, shaneemooyinka iyo in gabdhaha ay da’doodu tahay 10 sano iyo ka badan ay iskuulada aadaan.

Dalalkii aqoonsanaa intii ay xukunka hayeen Talibaan waxaa ka mid ahaa Pakistan,Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Tiro ka badan 45,000 oo ciidammada ammaanka ah ayaa lagu dilay Afghanistan shanti sano ee la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here