In Ka Badan 2 Milyan Oo Xujey Ah Oo Maanta Gudanaya Rukniga Ugu Weyn Acmaasha Xajka

0
19

Makka:-(saxnews) In ka badan laba milyan oo qof ayaa maanta taagan buurta iyo banka carrafa. wuquufka Carrafa ayaa ah rukniga ugu weyn ee camalka xajka. Nebigeena suuban N.N.K.H wuxuu yidhi “Xajku Waa carrafo”. Dad badan ayaa isku dhiba in ay dusha uga baxaan buurta carrafo oo ahayd halkii Nebigeeni suubanaa nnkh uu istaagey, laakiin dhammaan dhulka carrafo ku fadhido oo dhan ayaa wufuufku ku ansaxayaa.

Istaagida Carrafo kadib marka qoraxdu dhacdo maanta oo Khamiis ah ayaa Xujeydu ka guurayaan halkaas waxay sii marayaan Mina iyaga uu tuuranaya Jamaaraadka, kadib waxay xoogaa ku negaan doonaan Muzdalifah, iyaga oo maalinta berri ah gawracaya Udxiyadoodi

Maanta oo kale waxaa si aad ah loo badiyaa ducada, dadka aysan u suurta gelin in ay maanta oo kale taagan yihiin buurta carrafo iyo banaankeeda ayaa waxaa laga doonayaa in ay la qaybsadaan dhibta xujeda isla markaana soomaan.

Ilaa hadda gudashada waajibaadka Xajka oo bilowdey maalintii Salaasada ayaan wax dhibaato ah ka dhicin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here