Ikraan Tahliil: Wararkii ugu dambeeyay ee xil ka joojinta iyo ku soo celinta Fahad Yaasin

0
16

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa “amray in shaqadiisa uu sii wato” Fahad Yaasiin oo xilka madaxada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya uu ka qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble.

Bayaan uu soo saaray madaxweynaha waxaa lagu sheegay in “go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ka jawaabayay qoraal uu soo saaray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo uu shaqada uga joojiyay madaxa hay’adda NISA.

Rooble ayaa xilkaas si ku meel gaar ah ugu magacaabay Sarreeye Guud, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe).

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhuba waxa ay cuksanayaan qodobbo ku dhigan dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Weriyaha BBC ee Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay ka muuqatay in uusan ku qancin qoraalka ka soo baxay NISA eek u saabsan dilka Ikraan Tahliil iyo in xogta la siinayo Golaha Amniga Qaranka”.

Warsaxaafadeedka Ra’iisul Wasaare Rooble uu xilka uga joojiyay Fahad Yasin waxaa lagu yiri: “Markii (ra’iisul wasaaraha) uu garwaaqsaday in warbixintii hay’adda (NISA) ee ku saabsanayd kiiska Ikraan Tahliil, aanay ahayn mid lagu qanci karo. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu shaqada ka joojiyay Agaasimaha Guud ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir”.

Qoraalkaas oo ka soo baxay xafiiska Aggaasimaha hey’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, ayaa lagu sheegay in arrinta Ikraan ay tahay “mid xasaasi ah” uuna dalbanayo kulan amni.

Wuxuu intaa ku darey in maadaama laga dalbadey inuu warbixin kasoo saaro xaaladda halkii ay ku danbeysay sargaalad Ikraan Tahliil, in loo baahan yahay in kulan isugu yimaadaan Golaha Amniga qaranka.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa daraad ka dalbadey Aggaasime Fahad Yaasiin inuu warbixin degdeg ah, oo ku saabsan xaaladda sargaalad Ikraan Tahliil usoo gudbiyo.

Xaaladda sargaaladdan, ayaa waxaa kasoo baxaya warar is burinaya, iyadoo qoyskeedu ugggu war danbeysay in ka badan laba bilood kahor.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay la kulmay qoyska iyo ehelada Ikraan Tahliil Faarax isla markaana la wadaagay dareenkiisa ku aadan kiiska Ikraan oo dhawaan dowladda sheegtay in Shabaab ay dishay.

Rooble wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeyn doonto sidii caddaaladda ay ku heli lahaayeen qoyska Ikran Tahlil.

Al Shabaab waxay beenisay inay dileen Ikraan, balse “ay la fajaceen markii ay maqleen warka kasoo baxay dowladda oo ku saabsan in iyaga ay Ikraan dileen.”

Waa Tuma Ikraan?

Ikraan waxay bishii August ee sanadkii 1996-kii ku dhalatay magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay.

Waxayna khibrad in muddo ah u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda iyo laamaha amniga.

Gabadhan ayaa in ka badan shan sano ka hor ku biirtay hay’adda Nabad sugidda ama Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay’addaas.

Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali San Baloolshe.

Kaddib waxay ka shaqo billowday xafiiskii guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ay agaasime ka ahayd.

Xoogaa kaddib Soomaaliya ayay ka baxday Ikraan inkastoo ay mar kale dib ugu laabatay. Hooyadeed waxay sheegtay in markii ay baxday ay aqoon kororsi u aadday dalka Ingiriiska.

Sida lagu “afduubay”

Inta badan wararka la isla dhex marayo waxay sheegayeen in Ikraan la afduubtay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn cidda afduubatay, marka laga soo tago eedeymaha.

Gabadhan hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa sheegtay in gabadheeda iyadoo joogta guri u dhow xarunta nabad sugidda lasoo wacay kaddibna gaari lagu kaxeeyay.

Guriga ay ku sugneyd wuxuu ku yaallay agagaarka xarunta Nabad sugidda, oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

Qaali Maxamuud oo waddanka Turkiga uga timid si ay gabadheeda u raadiso ayaa shir jaraa’id warbaahinta ugu qabatay magaalada Muqdisho, waxayna dowladda ka codsatay in laga caawiyo sidii ay gabadheeda dib ugu heli lahayd.

“Aniga in sida ugu dhaqsiyaha badan wax la iila qabto ayaan rabaa, oo gabadheyda meesha ay ku jirto laga soo bixiyo. Gabadheyda meel dheer ma jirto, ma dhoofin, baasaboorkeeda aniga ayaa haayo, waddankaan ayay ku jirtaa, magaalada Muqdisho ayaa meel laga galiyay, ha la ii soo bixiyo,” ayay tidhi Qaali Maxamuud oo ah gabadha maqan hooyadeed.

Sidoo kale nabadoonno kasoo jeeda beesha ay ka dhalatay gabadha ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo helo Ikraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here