Hargaysa( Saxilnews.com)-Cidkasta oo ka shaqaysa dadka isu soo dhawayntiisa, nabadiisa iyo wadajirkiisa aad iyo aadbaan u soo dhawaynaynaa waxaana annaga ka dawlad ahaan noo sada dadkayaga oo is jecel iyo dalkayaga oo horumara
Waxay ahayd shalay kadib markii Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa si weyn loogu soo dhaweeyey Madaxda Dhaqanka ee Buuhoodle oo ka kooban 11 Caaqil iyo 4 Oday
Saaladiinta, cuqaasha iyo madaxdhaqameedka kala duwan, cida soo dhawaysay iyo kuwa la soo dhaweeyeyba annaguna ka dawlad ahaan waan soo dhaweynaynaynaa waxaanan leenahay dalkiinii iyo dadkiiniiba ku soo dhawaada
Nabada, wanaaga iyo wixii ay odayadu la socdeenba waanu ka gudoomaynaa waanan ku galbin doonaa Insha Allahu , runtii waan jecelnahay cidii wanaaga iyo nabada ka shaqaynaysa si weyn ayeynu u kulmi wixii duruuf jira iyo xaaladana dalkana iska waraysan Insha Allah.
wixii suurta gal ah ee arrimaha laga qaban karo oo ay nabada iyo horumarku uugu muhiimsan yihiina diyaarbaanu u nahay ka dawlad ahaan wixii loo baahan yahay in laga qabto, kolayba madaxweynahana way la kulmi doonaan waanay arki doonaan waxaan leenahay dhamaantiin soo dhawaada
Waxaan ogsoonahay in aad tihiin odayaashii ugu muhiimsanaa ee gobolka jogay, waanan qirsanahay in aad kaalin mugle kaga jirtaan ilaalinta nabadgelyada iyo horumarinta hanaanka dawladnimada, intii nabad iyo wanaaag ka shaqaynayasa iyo intii horumar ka shaqaynaysa iyo intii wadda wixii dhaqan ahaan jiray annana waan soo dhawaynaynaa.
odayaasha reer togdheer ee soo galbiyeyna iyana waan soo dhawaynaynaa aad bay ugu mahadsanyihiin cidkasta o ka shaqaysa dadka isu soo dhawayntiisa iyo nabadiisa iyo wadajirkiisana aad iyo aadbaan u soo dhawaynaynaa waxaa annaga dawlad ahaan noo sada dadkayaga oo wanaagsan iyo dalkayaga oo horumara
waxaananu jecelnahay runtii oo aanu aad iyo aad u qadarinaynaa socodka dheer ee ay odayaasha iyo cuqaashu u soo mareen inay nabad iyo wanaag dhaliyaan una soo maray jidkaa dheer waxaanu leenahay soo dhawaada
Wa Bilaahi Tawfiiq
Xigasho Bage Faceebuuga Ee Wasiir Xirsi
berbera2002@gmail.com