Muqdisho(Dawan)-Laascaanood waa degmo kamida Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah magaalo madaxda gobolka Sool ee ay degmooyinkiisu ka kooban yihiin Caasimada, Taleex, Caynabo iyo Xudun, taasoo marka juquraafi ahaan loo qeexayo 18-kii gobol ee Jamhuuriyaddii Soomaali ka koobnayd, ka hor intaanay Somaliland madaxbanaanideeda kala soo noqon 1991-kii.
18 Gobol waxa ay u qaybsanaayeen 5 Gobol Somaliland ku yaallay iyo 13 Gobol oo Soomaaliya ah, kuwaasoo aanu wax isbedel ah oo sharci noqday ku samaynin dalkaasi, hase ahaatee Somaliland waxa ay shantii gobol ee ay gooni-isutaagga kula soo noqotay ku kordhisay gobollo iyo degmooyin cusub, kuwaasoo ay magacaabeen madaxdii kala duwanayd ee dalka soo xukumay, iyagoo ku saleeyey baahida loo qabay iyo dheeli-tirka haykalka Dawladnimada.
Geesta kale, Wadahadallada u socday Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa u dhexeeya labada Dawladdood ee ka dhisan labadii Dal ee is-raacu dhex maray 1960-kii, taasoo ah Kiis Banyaal ah oo aan wax mugdi iyo muran ahi toona ku jirin, iyadoo shirkii ugu horeeyey ee magaalada London ka dhacay sanadkii 2012-kii lagu guddoonsaday heshiis wada-xaajood oo dhex maraya laba dhinac oo siman (Two Intites), kuna salaysan inay ka wada arrinsadaan, isfahamna ka gaadhaan xidhiidhkooda Mustaqbalka, qodobkaasi oo ay beesha caalamkuna si buuxda u aqoonsatay, isla markaana kulamadii shirkaasi dabadii qabsoomay iyo kuwa soo socdaba kula gardaadinaysay labada daraf waa Hargeysa iyo Muqdiaho’e.
Iyada oo laga soo bilaabo wakhtigii wadahadalladu bilowdeen xidhiidhka labada dal uu sidaasi ahaa, qodobka qudha ee ay Muqdisho Ixtiraamtay-na uu yahay in aanay xad-gudub toosa ku samaynin dhulka Somaliland oo ay xataa hoos u dhigtay sheegashadiisa, ayaa todobaadkan waxa Xamar ka degay shakhsigii ugu horeeyey ee maleegayey qorshe uu ku shirqoolayo deegaamada JSL.
Hogaamiyaha Kooxda colaadda ka hurisay Magaalada Laascaanood oo magaciisa la yidhaahdo Cabdiqaadir Firdhiye oo jimcihii tegay Muqdisho, ayaa la kulmay waji-gabax iyo hungow,kaddib markii si cad loogu sheegay in aanay sinnaba suurtogal ku ahayn in isaga iyo kooxdiisa loo aqoonsado maamul ka madaxbanaan Somaliland oo hoos yimaada nidaamka Federaalka ah ee halkaasi ka jira.
Ninkan oo ajandaha socdaalkiisa Muqdisho uu ahaa inuu madaxda Soomaaliya ka dhaadhiciyo inay isaga iyo taageerayaashiisu u burburiyeen magaalada Laascaanood ay tahay soo celinta midnimada Soomaaliya, soona afjareen gooni-isutaagii JSL, ayaa sida ay sheegayaan wararka laga helayo kulamadii uu la yeeshay hogaamiyeyaasha Villa Somalia, waxa ay ugu jawaabeen in aanay arrinta midnimada Somaliland iyo Soomaaliya ku doonaynin dagaal, deegaamaysi Abtirsiin ku dhisan iyo qaab kale oo khilaaf ku jiro toona, balse ay ay ku raadinayaan nabad iyo wadahadallada socda.
Waxa kale oo ay u caddeeyeen in aanay shuruucda Federaalku ogolayn in gobol qudha ama laba degmo laga dhigo maamul-gobolleed gaar ah, haddii ay arrintaasi iyaga u tixgeliyaana ay kala tegayaan gobollada Soomaaliya ee maamulladu ka dhexeeyaan, iyadoo tusaalaha ugu weyn ee la hordhigayna ay tahay khilaafka u dhexeeya maamulka Hir-shabeelle oo ay qaybtii doonayso inay ka hoos baxdo dhinaca kale “haddii ay Madaxda dawladda Soomaaliya arrinta SSC ee labada degmo maamulka loogu doonayo ay aqbalaan Dalka oo dhami wuu kala dhaqaaqayaa oo gobolna gobol kale maamuli maayo. Iminka waxa loo maaro la’yahay khilaafka Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, tii Gedo iyo Jubbada hoose ayaa taagan oo kala go’doonsan, markaa wax soconaya maaha in saddex ama laba degmo dawlad loo aqoonsado”sidaasi waxa Wargeyska Dawan u sheegay mid kamida dadka xogogaalka u ahaa kulamadaasi oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto sababo amni dartood.
Warku wuxuu intaas ku daray in Kooxdan dagaal-oogeyaasha ah lagu wargeliyey in aanay ku tahanbaabin doonista maamul-gobolleed ka madaxbanaan Hargeysa, maadaama gobolka Sool iyo gobollada kale ee ay sheeganayaanba ka tirsan yihiin Somaliland oo wadahadallo caalamku markhaati ka yahay u socdaan Dawladda Soomaaliya, isla markaana damacoodu uu halis ku yahay geedi-socodka dawlad-dhiska, wada-xaajoodka laba geesoodka ah iyo nabad-gelyada gobolka.
Ilo-wareedyadu waxa kale oo ay tibaaxeen in Firdhiye iyo ollogiisa ay madaxda Soomaaliya ku booriyeen inay joojiyaan xaaladda colaaddeed ee gobolka iyo deegaamada ku teedsan ay ka wadeen bilihii la soo dhaafay, isla markaana ay u diyaar-garoobaan in miiska wadahadallada lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Dawladda Somaliland.
Waxa kale oo xusid mudan inay balanqaadyo jal iyo dhiig-joojin ah oo dhanka dhaqaalaha ah ay ka helleen Muqdisho kooxda huwanta Laascaanood, hase ahaatee taasi lafteeda ay ku xidhan tahay shuruudo la xidhiidha in aanay u isticmaalin guluf dagaal wixii loo fidiyo ee ay wax kaga qabtaan hawlaha bina-aadaminimada.
Ugu dambeyn, mowqifkan Dawladda Xamar hordhigtay kooxda ayaa la sheegay inay la qabaan wadamada beesha caalamka ee taageerada siiya dalkaasi, waxaana la dhawrayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan go’aamo kale oo qorshahan lagu sii adkaynayo, dhabahana loogu xaadhayo sidii loo soo afjari lahaa colaada ay kooxdaasi gobolka Sool ka bilowday horaantii sanadka