Hooyo reer somaliland ah ayaa waxay waraaq u qortey wiilkeeda oo wali uurkeeda ku jira waxay tiri. Hooyo wiilkeygiiyow waxaad dhalan doontaa 2bilood kadib W/Q Eng Habane

0
19

Qaybtii 1aad

Hooyo reer somaliland ah ayaa waxay waraaq u qortey wiilkeeda oo wali uurkeeda ku jira waxay tiri. Hooyo wiilkeygiiyow waxaad dhalan doontaa 2bilood kadib ilahay na waxaa kaga baryayaa inuu caafimàd qab aduunka kugu keeno. Hooyo waddankeena waxaa la yidhaa soomaaliland waxaynu soomaliya ka go.ney 1991 waxaynu xornahay 27sano isla maalintaasi ayaan dhashey oo hooyo ana 27jir baan ahay. Hooyo aabaha waa 28jir malahayga 1sano ayuun buu iga weynaa hooyo wiilkeygiiyow aniga iyo aabahaa waxanu isku baraney Jaamacada hargeysa waxaanu waxa dhigan jirney kuliyada ganacsiga iyo xisaabka. Hooyo aabaha isku fasal maanu ahayn sanad buu iga sareeyey jaamacada malaha waa sanadkii uu iga weynaa uune!! Aniga iyo aabaha ba hooyo waxaanu ahayn kuwa ugu dalaalka badan ardeyda marka ixtixaanka semesterka la qaado hooyo anigu fasalka aan dhigto qofka koowaad baan noqon jirey hooyo aabahana fasalka uu dhigto qofka koowaad ayuu ahaa. Markii aniga sanadkii koowaad ii dhamaadey aabahana sanadkii labad u dhamaadey ayaa waxaa xaflad lagu abaalmarinaayo ardeyda kaalmaha hore imtixaanka ka gashey soo qabanqaabiyey hormuudka kuliyada ganacsiga iyo xisaabaadka. Hooyo habeenkii xaflada la qabanaayey dhamaan ardeydii kuliyada ganacsiga iyo xisaabku wey faraxsanaayeen hooyo waxay ku labisnaayeen dhar qurux badan wiilkasta iyo gabadhkasta waxaad moodeysey in abaalmarin loo hayo laakiin sidàsi may ahayne waxay la faraxsanayeen inta kaalmaha hore gashey ee la abaalmarinaayo. Hooyo waxaanu soo galney goobtii ay xafladu ka dhacaysey waa hool kamida hoolasha Jaamacada hargeysa hoolka gudihiisa daahyada. Calamada iyo sida loo qurxiyey waxaad moodeysaa in reer cusub arooskoodu ka dhacayo intaasi waxaa dheer tabeelo yaal qoraalo dhiirigalin ahi ku qoran yihiin oo dhinicii aad deymootaba ishaadu qabneyso. Hooyo markii xafladii ay bilaabantey ee maamulkii, macalimiintii iyo marti sharaftii kale hadalkoodii dhameysteen waxaa soo kacay hormuudkii kuliyadayada ganacsiga iyo xisaabaadka oo ka hadley muhiimada xalada wuxuuna bilaabey inuu ka sheekeeyo ujeedada xafladan marka uu dhameystey hadaladiisii dardaaranka iyo dhiiri galinta u badanaa ayaa wuxuu bilaabey inuu yeedhiyo magacyada ardayda abaala marinta la siinayo. Hooyo wiilkaygiiyow waxaa ugu horeeyey magacyada ardeyda wiil waxaa la siiyey abaalarin qofkii labaad ee la yeedhiyaa hooyo aniga ayuu ahaa goobti abaalmarinta ayaan tagey wixi la iigu talo galay baa la i gudoonsiyey marka ayaanu goobtii ka soo wada dhaqaaqney aniga iyo wiilkii iga horeyey inta aananu soo gaadhin halkii aanu fadhiney ayaanu wiilkii isa soo baraney. Hooyo wiilka aan habeenkaasi is baraney wuu ahaa aabahaa hooyo habeenkaa wixii ka danbeeyey xidhiidh joogto ah ayaanu yeelaney markii danbena jacayl ayaanu isku qaadney. Hooyo markii aanu in muddo ah aabahaa wada sheekeysaneyney waxaa la gaadhey wakhtigii uu qalinjabinayey anigana sanad ii hadhsana jaamacadda runtii waan ku farxay qalinjabintiisa waxaan dareemey in qayb iga mida guul gaadhey hooyo wiilkeygiiyow marna waan ka naxay qalinjabintiisa oo waxaa dareemey in aan ku cidloon doono jaamacadda. Hooyo arintu markey halksaasi mareyso waxaa la soo gaadhey xiligii aan qori lahaa buuggii jaamacadda ee qalinjabinta si wey ayuu iiga caawiyey diyaarinta buugaasi oo ah markii 6bilood ka soo wareegtey qalinjabintiisa intii iga caawinayey buuga qoristiisa aabahaa wuxuu heley shaqo. Hooyo waan ku farxay inuu shaqo helo bil markii uu shaqeynayey hooyo aabahaa wuxuu isoo bandhigey in aanu is guursano aniguna waan ka aqbalay waxaanan ku dhahay reerkayaga iga soo doono. Hooyo aabahaa waa isoo doontey waana la isiiyey si sharaf badan ayuu meherkayagu udhacay laakiin waalidkey shuruud ayuu aabaha ku xidhey shuruudaasi waxay ahayd in aan waxbarashada dhawrka bil iiga hadhsan tahay dhameeyo aabahaana waa aqbalay waanu aqal galney 2bilood markaanu guri lahayn ayaan jaamacadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here