Hoggaamiyaha Hong Kong oo difaacday sharciga ammaanka uu Shiinaha soo wado

0
20
Hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam

Hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam ayaa sheegtay waddamada shisheeye “inuu boos uga bannaaneen” iney soo farageliyaan sharciga ammaanka uu Shiinaha qorsheynayo ee quseeya arrimaha ammaanka gudaha dalka Shiinaha.

Sharcigan ayaa mamnuucaya khiyaamo qaran, kacdoon, kicin shacab iyo gooni u goosad. Dhinacyada sharcigan cambaareeyeyna waxay sheegeen inuu xaddidayo xorriyadda shacabka magaalada Hong Kong.

Balse Ms Lam oo marki ugu horreeysay meel fagaara ah ka hadashay waxay sheegtay tallabbada sharcigaasi lagu meel marinayo iney tahay tallaabbo “xilkasnimo ah” oo lagu dhowrayo dadka ugu badan ee sharciga u hoggaansamo.

Waxayna gaashaanka u daruurtay inuu sharcigaasi uu laalayo xuquuqda shacabka Hong Kong.

Xuquuqaha ay shacabku leeyihiin waxaa si cad looga qeexay dastuur hoosaadka Hong Kong, lana dhaqan geliyey laga billaabo marki maamulka Hong Kong uu Ingiriiska ku wareejiyey Shiinaha 1997-kii. Sharciga aasaasiga ahna wuxuu shacabka Hong Kong uu u oggolaanayaa, xorriyadda mudaharaadka, oo aan ka jirin dal weynaha Shiinaha.

Dabayaaqadi toddobaadki hore, waxaa waddooyinka Hong Kong ku soo laabtay mudaharaadyo hor leh oo ay ugu dambeysay sanadki hore, booliskuna si ay dadka mudaharaadayaasha u kala eryaan ay adeegsadeen sunta indhaha ka ilmeysiisay.

Sharciga muxuu dhigayaa?

Sharcigu ma aha mid weli dhaqangalay balse wuxuu haatan marayaa heer qorshe oo ay ugu magac dareen “go’aan qabya ah”, wuxuuse dhaqan galayaa marka uu u codeeyo kalfadhiga baarlamaanka dalka Shiinaha oo toddobaadkan dhacaya.

Marka haddii sharcigaasi cod lagu meel mariyo, wuxuu Hong Kong ka dhaqan galayaa bisha June.

Sharciga oo weli qabya ah oo aan weli dhaqan gelin ayaa caalamka kala kulmay cambaareyn xooggan, balse shirka jaraa’id ee toddobaadlaha oo ay qabatay Ms Lam waxay sheegtay waddamada shisheeye “inuu boos uga bannaaneen iney soo farageliyaan arrimaha socda”.

Ma jiro dal u dulqaadan kara yeelashada sharci amniga qaran ee khaldan, ayey tiri waxayna intaa ku dartay Hong Kong waxay ka tirsan tahay China marka dadlalka kale ee caalamka ka jirana kama duwana.

Tanya Chan waxay sheegtay "taariikhdi ugu xumeyd ee Hong Kong soo wajahday"Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionTanya Chan waxay sheegtay “taariikhdi ugu xumeyd ee Hong Kong soo wajahday”

Dhinacyada ka soo horjeeda sharcigan ammaanka ee Hong Kong waxay sheegeen inuu sharciga laalayo xorriyada gaarka ah ee ay lahaayeen shacabka Hong Kong.

Muxuu yahay hadalka ay jeedisay?

Ms Lam waxay dhowr mar ku celicelisay inuu sharcigan yahay “Go’aan qabya ah” uu Shiinaha soo saarayo, oo xaqiijinayo danaha shacabka.

Waxay sida oo kale ka hadashay “sida wanaagsan ee ay shacabka uga falceliyeen” sharcigan maalmihi la soo dhaafay, iney aad uga duwan yihiin waxa ay shisheeyuhu sharcigan ka shaeegayaan.

Sharciga ayaa beegsan doona “dad kooban” oo ku lug leh falalka argaggixisanimada ama khiyaamada qaran, ayay tidhi, qof walboo sharcigaasi ka walwalsanna waa inuu sugaa inta ay faahfaahinta ka soo baxeyso.

Xuquuqaha Hong Kong, furfurnaanta iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee ay lahaayeen “Sidoodi ayey u sii soconayaan”, ayey tiri, waxayna intaasi ku dartay, “xuquuaha iyo xorriyadaha ineysan ahayn kuwa gabi ahaanba la tirtiray.”

Sharcigaasi ayaa xoojin doona maqaamka Hong Kong kana dhigayo xaruun maaliyadeed oo caalami ah, halka ay wax u dhimi lahayd, iyada oo cabsida sharciga laga muujieey ku tilmaantay “gabi ahaanba mid bilaa sabab ah”.

Sida oo kale sharciga wuxuu Shiinaha u oggolaanayaa iney hay’adaheeda sharci fulinta ay ka dhaqan geliso magaalada Hong Kong.

Cabsida sheegeyso in sharcigan lagu banneysanayo in mudaharaadayaasha lagu xirxiro ay tahay “khiyaali ay waxba ka jirin”.

Presentational grey line

“Wakhtiga adag iyo qancinta dhaliilaha”

Lab Cho Wai, oo ka tirsan BBC News Shiinaha

Carrie Lam waxay isku dayday iney shacabka u bayaamiso sharciga inuu beegsanayo oo keli ah “kooxa yar oo dambiilayaal ah”, balse ay wax weliba kala caddaanayaan marka ay faahfaahintiisu soo baxdo.

Ujeeddadeeduna wuxuu ahaa iney si adag u difaacdo sharciga amniga uu Shiinaha ka hirgelinayo Hong Kong. Balse ay diyaar u ahayn iney ka jawaabto dhaleeceynta sharciga loo soo jeediyey.

Koox u dhaqdhaqaaqda dimuqraadiyadda uu fadhigiisu yahay Hong Kong waxay ka digtay inaan la hayn dammaanad ah inuu sharcigaasi ka hor imaneyn xuquuqaha rayadka iyo kan siyaasadeed ee ay shacabka Hong Kong leeyihiin.

Mudaharaadyadi Axadda, dhacay oo ahaa kuwi ugu ballaadhnaa oo muddo bilooyin ah dhaca ayaa ku soo beegmay xilli ay dowladda mamnuucday iney 8 qof ka badan ay isugu iman meell fagaara ah.

Ms Lam waxay sheegtay iney aaminsan tahay “sida wanaagsan ee ay shacabka uga falceliyeen”, halka ay mudaharaadayaashuna ku baaqayan mudaharaadyo ka ballaadhan kii Axadda dhacay.

.Lahaanshaha sawirkaAFP/GETTY

Hong Kong waxaa sanadki hore hareeyey mudaharaadyo rabshada wata oo bilooyin socday, iyada oo ay mudaharaadayaasha ku dalbanayaan xorriyado dimuqraadiyadeed oo dheeraad ah in lasiiyo shacabka Hong Kong.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here