Goobtii uu ku aasna maayarkii ugu horreeyay ee magaalo ku taalla bariga Belgium ayaa laga helay wadnihiisa oo dhalo ku jira kaddib muddo ka badan qarni oo uu aasnaa.
Wadanihiisa ayaa laga helay dhalo uu ku jiro khamri, waxaana la helay xilli dayactir lagu sameynayay goobtii uu ku aasnaa.
Maayarkii Pierre David magaalada Verviers ayaa geeriyooday sanadkii 1893-kii.
Qoraallo ku qornaa sanduuqa uu ku aasnaa ayaa muujinayaa in wadnaha la dhigay gudaha taallo isaga loo sameeyay sanadkii 1883-dii.
Maxime Degey oo ka tirsan waaxda howlaha guud ee magaalada Verviers ayaa warbaahinta RTBF, u sheegay in sanduuqa ay soo arkeen shaqaale dayactir ku sameynayay goobta 20-kii bishii hore.
Mas’uuliyiinta magaalada ayaa bilaabay inay uruuriyaan dhaqaale la doonayo in lagu dayactiro taallo lagu qaddarinayo maayarkii ugu horreeyay ee magaaladaas isla markaana qoykiisa la weydisto in wadnihiisa la dhigo taallada.
Website rasmiga ah ee magaalada Verviers ayaa ku warramay, in tobonaan sano ay ku qaadatay maamulka inay uruuriyaan lacago ku filan si ay u taagaan taallo qurxoon oo lagu maamusayo hogaamiyahan.
Sidoo kale, waxaa jiraa muran ku saabsan qaabka loo xusayo maayarkii ugu horreeyay ee halkaas.
Waa kuma Pierre David?
Wuxuu ku noola Belgium xilli uu jahwareer ka taagnaa, gaar ahaan xilliggii madaxbanaanida ay qaadatay sanadkii 1830-kii.
Wuxuu ahaa maayarkii ugu horreeyay ee magaalada Verviers intii u dhexeeysay sanadihii 1800 ilaa 1808-dii, waqtigaas uu Faransiiska maamulayay Belgium.
Markii dambe, Belgium waxaa ka bilowday kacdoon ka dhan ah maamulkii Dutch, isla sanadkaas 1830, waxaa Pierre David mar kale loo doortay duqa magaalada.
Waxaana maayarkan lagu xasuustaa in uu hirgeliyay adeegga dab damiska ee Verviers sandkii 1802-dii.
Wuxuu si weyn ula dacsanaa fikraddii Faransiiska ee kacdoonka balse markii dambe wuxuu ku hoos noolaa nidaamkii Dutch sanadihii 1815 ilaa 1830-kii.
Magaalada Verviers waxay si xun ugu burburtay kacdoonkii ka dhacay sanadkii 1830, Pierre David waxaa uu dib usoo celiyay kala dambeyntii magaalada, waana nin si weyn loo qaddarin jiray.