Hogaamiyaha Xisbiga WADANI Masuul La Dareena Bulshadiisa !!

0
21
????????????????????????????????????

Hargaysa (Saxilnews.com)-“Xirsi Cali Xaaji Xasan, Masuulkii U Horeeyay Ee Ka Damqaday Dhibaatadda Abaaraha”

Dalka Somaliland meela farabadan oo kamida waxa beryihii udanbeeyay ka soo baxayay baaqyo qaylo dhaan ah oo  ku saabsan xaalad abaareed oo soo waajahaday deegaano tira badan oo meela kala duwan ah gaar ahaana Goboladda Bariga Somaliland.

Abaartan oo saamaysay nolasha dad iyo duunyo ee bulshada reer guuraaga ah ayaa waxa markii ugu horaysay arintaasi ka damaqaday isla markaana baaq gurmadda diray Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Mud. Xirsi Cali Xaaji Xasan, kulan uu warbaahinta madax banaan kula hadlaayay oo uu ku qabtay Xarunta guud ee Xisbigu ku leeyahay Magaaladda Hargeysa ayuu si dareen leh ugaga hadlay dhibaatadda Biyo La’aanta ee ka jirta dalka isaga oo qayabaha kaladuwan ee Bulshadana ugu baaqay in ay ka qayabqaatan sidii gargaar loo gaadhsiin laha dadka abaaruhu saameeyeen.

Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ah Hogaamiye Bulsho isla markaana la dareena bulshadiisa xili kasta iyo xilkasta oo uu hayo, waxaa uu noqday Masuulka kaliya ee dareemay kana damqaday dhibaatadda biyola’aaneed ee soo foodsaartay deegaanadda bariga Somaliland.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Mud. Xirsi Cali Xaaji Xasan, waa Masuulka kaliya ee siyaasiyiinta iyo madaxada maanta joogta kaligii kaga suntan Bulshada oo uu markasta jecelyahay horumarkeeda, dhismeheeda, iyo wadajirkeeda, waana masuulka kaliya ee tan iyo mudadii uu ka tirsana Xukuumadda Madaxwayne Silaanyo iyo maanta oo uu yahay Hogaamiye Mucaarida habeen iyo maalinba,fagaare kast iyo kulan walba kula dagaalamaayay Qabyaaladda oo ah aafadda kaliya ee Bulshadeena kala qaybisay ee kala qoqobtay.

Xukuumadda Somaliland oo ah cida kaliya ee ay saarantahay masuuliyadda Dadka Somaliland ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku mashquushay isla markaan ku jirtay Olole dhaqaalihii iyo lacagtii dalkan ay ugu Kaanbayan garaynaysay  masuuliyiin aan haysanin taageerada Bulshadooda taas oo shacabkuna u arkaan ayaandaro ku habsatay Xukuumadda oo ilaa hada aan dareemin dhibaatada dadka ee Biyo la’aanta iyo abaaraha soo noqnoqday oo saameeyay isla markaana la degay bulshada reer guuraaga oo ah Bulshada Lafdhabarta u ah Qaranka Jamahuuriyadda Somaliland.

Qof kasta oo muwaadina oo jooga dalka Gudihiisa iyo mid jooga Dalka dibadiisaba waxa muhiima in Ladareemo bulshada dhibaataysan isla markaana qof kasta oo dareen Bulsho iyo mid muwadinba leh waa in uu u diyaar garooba sidii uu uga qayab qadana lahaa Gurmadka abaaraha  ee uu ku Baaqay Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here