Myanmar:-(saxilnews.com) Hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa ka baaqanaysa shirka Gollaha loo dhanyahay ee Qarammada Midoobay ee toddobaadka soo socda dhacaya, iyada oo ay sare u sii kacayso dhaleecaynta loogu jeedinayo sida ay u maaraysay dhibaatada Rohingya.
Dad lagu qiyaasay 370,000 oo ruux oo ka mid ah Muslimiinta Rohingya ayaa u tallaabay xadka dalka Bangladesh tan iyo markii ay bishii hore sare u sii kaceen rabshadaha ka jira gobolka Rakhine ee dalka Myanmar.
Suu Kyi ayaa wajahaysa eedaymo kaga yimid taageereyaasheeda reer Galbeedka, kuwaas oo salka ku haya in aysan wayn ooga hadlin rabshadaha.
Milatariga Myanmar ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan malayshiyo qawmiyadda Rohingya ah, wuxuuna diiday in uu bartilmaameedsanayo shacabka.