Hargeysa (SaxilNews):- Waxaa muddo ka yar hal bil ay ka hadhsan tahay shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani kaas oo lagu soo dooran doono musharaxa madaxweyne iyo ku xigeenkiisa xisbigaasi uga qeyb gali doona doorashada la filaayo in dalka ka qabsoonto sanadka 2017.
Qabsoomida shirkaasi ayaa waxaa uu sabab u noqdey in hirdan adagi ka dhex istaadhmey xisbiga Waddani gaar ahaan musharaxa madaxweyne ku xigeenka oo siyaasiinta ka soo jeeda gobalka Awdal tartan gucleen ah ugu jiraan sidii ay jagadaasi gacanta ugu dhigi lahayeen .
Hadaba iyada oo ay taasi jirto waxaa maanta magaalada Hargeysa munaasibad balaadhan oo ka dhacdey hotel Summer Time waxaa hankiisa musharaxnimo ku shaaciyey siyaasi ka soo jeeda gobalka Awdal isla markaana hore xisbiga uga tirsanaa oo lagu magacaabo Eng Cabdiraxmaan Daahir Aadan
Munaasibadan uu siyaasigani ku shaacinaayey hankiisa musharaxnimo ayaa waxaa ka soo qeyb galay badiba labeenta xisbiga Waddani , xildhibaano ay ka mid yahiin Xil.Rayte , Xil. Buubaa, Xil. Tukaale , Xil.Wali Axmed Xaawo , masuulyiin kale , dhalinyaro iyo haween .
Ugu Horeyn waxaa madasha ka hadley xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxaana uu sheegay in Eng Cabdiraxmaan uu yahay shaqasi u qalma jagadaasi isla markaana u yahay nin tacab badan soo galiyey xisbiga Waddani ilahay na SWT guul uga rajeynaayo .
Sidoo kale waxaa madasha iyaguna ka hadle masuulyiin ay ka mid yahiin Xildhibaan Rayte , Xildhibaan Bashiir Tukaale , Xildhibaan Wali Axmed Xaawo, Siyaasi Cali Cantar , Marwo Caasha Xussen Mareykan , Marwo Sado Dheer ,Cuqaal ,Saladiin iyo masuulyiin kale waxaana ay dhamaantood sheegen in Eng Cabdiraxaan uu yahay shaqsiga ugu haboon qabashada iyo hanashada kursigan isla markaana ay guul uga rajeynayaan tartanka uu la gali doono siyaasiyiinta dhigiisa ah , xisbiga Waddani na yahay xisbi si dimuqraadi ah loog tartami doono cid aanu u xidhneen
Gabo gabadii waxa madasha hadlo kooban oo ka yidhi Eng Cabdiraxmaan oo ah siyaasigsan hankiisa shaaciyey waxaana uu ugu horeyn u mahad naqay dadkan ka soo qeyb galay xaflada uu ku shaacinaayo hankiisa .
Musharaxan Cusub waxaa uu sheegay in maanta uu halkan ka cadeynaayo in uu tartan ugu jiro qabashada kursiga madaxweyne ku xigeenka Wadani
“Aniga oo ah Eng Cabdiraxmaan Daahir Aadan Waxaan halkan ka cadeynayaa aniga oo hore u ahaa gudoomiyaha xisbiga Waddani ee Gobalka Minnesota ee dalka Mareykan in aan musharax u ahey jagada musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani.
Anigu gobalka Awdal oo aan ka soo jeedo uma ahi musharax ee Somaliand oo dhan baan musharax u ahey gaar ahaan dhalinyarada qarakan oo aan ka mid ahey ” ayuu yidhi Mushaax Eng Cabdiraxmaan Daahir Aadan