Hargeysa (SAXILNEWS.COM)_Madaxtooyada Somaliland ayaa si weyn uga maroora dilaacday safarkii ay xubno kamid ah isbahaysiga dimuqraadiyad-doonka xisbiga KULMIYE ku tageen todobaadkii ina dhaafay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee BURCO, halkaas oo ay kala kulmeen shacabka reer Burco soo dhaweyn aad u balaadhan.
Weftigan garabka isbahaysiga dimuqraadiyad doonto KULMIYE la magacbaxay ee todobaadkii hore bookhashada ku tegay Burco, waxa horkacaayey wasiirkii hore ee wasaarada Madaxtooyada & wasiirkii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Dr Cabdi Awdaahir, waxaana waheliyey xildhibaan Maxamed Yusuf Waabeeyo,iyadoo ay xusid mudantahay in aanay reer burco u kala hadhin soo dhaweynta masuuliyiintaa.
Dhanka kale madaxtooyada somaliland iyo hoggaanka KULMIYE ayaa ka hinaasay socdaalka iyo sida loo soo dhaweeyey waftigaa,iyadoo hadda bilaabeen talaabo ay kaga jawaab celinayaan, waxaanay maal mihii u dambeeyey magaalada Burco ka qaban qaabinayeen xaflad lagu sheegay in taageero loo muujinayo musharaxnimada Muuse Bixii iyo Saylic,taas oo lagu wado inay habeenka caawa ah ka qabsoonto Magaalada Burco.
Isku soo wada duuboo madaxtooyada iyo hoggaanka KULMIYE, ayaa habeenka caawa ah magaalada Burco ku qabanaya xaflad ay waji macaash ku soo ururiyeen oo lagu sheegay in taageero loogu muujinayo musharaxnimada ,muuse biixi iyo Saylici, waxaynu dhawrnaa maxsuulka ka soo bixi doonp xafladaasi.
SAXILNEWS005@GMAIL.COM