Heshiiska Dekedda Berbera Oo Noqday Dhuxul Danbas Huwan +Guuxa Iyo Dareenka Bulshada Gobolka Saaxil Ee Diidan Wareejinta Dekeda Qaranka ”

0
28

Hargaysa (Saxilnews.com)-Tan iyo intii aynu dalka dib ugu soo noqonay dekkedda berbra waxaa gacanta ku haysay hadba xukuumada dalka ka jirta oo iyadu sitoosa umaamulaysay Waxaanay ahayd deked shaqaynaysa adeeg ahaana maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraysa hadh iyo habeena u adeegta guud ahaan qaranka somaliland waxaanay ku shaqaynaysay baahi-tirka adeegyada bulshada iyo qarankaba waxaana barbar socatay dayactirka joogta ah ee agabka dekedu ku shaqayso keenista qalab cusub iyo balaadhinta dekeda oo dhamaanba la xidhiidha dhinaca horumarinta dekeda berbera waana ta suurta galisay inay daboosha dhamaanba baahiya adeeg ee bulsha iyo kuwa qaranka somalilandba dekeda berbera waxay ay soo saartaa dakhliga ugu badan ee soo gala dalka waxaana ku yaala kastamka ugu weyn dalka somaliland oo ay kasoo xeroodaan cashuuraha ugu badan ee ay wasaaradda maaliyadu qabato waxaana barbar socota lacagta loo yaqaano port chargeka ama kirada ay dekeddu ka qaado Weelka yimaada dekedda Dakhligan oo dakeddu maamuli jirtay ayaa wakhtigii uu Maxamed Xaashi ahaa wasiirka maaliyada laba loo qaybiyey waxaana laga jaray dekedda 50% boqolkiiba konton lagu shubo qasnada dawlada laguna xareeyo wasaaradda maaliyada iyo 50% boqolkiiba konton ayay dekeddu isku maamusho una isticmaasho balaadhinta dekedda iibsiga iyo dayactirka qalabka mushaherka shaqaalaha iyo wixii kharashaad ay dekeddu isticmaalayso balse looma dayn dekedda lacagtana sidii loogu talagalay uma gasho dekedda ee waxaa si toosa iyo si dadbanba ula maamula madaxtooyada oo u adeegsata sidii hanti ay iyadu gaar u leedahay arintani waata dabarka ku noqotay inay dekeddu horumar balaadhan samayso hadana dekeddu waa mid shaqaysa oo hadh iyo habeenba u heegana kana soo baxda dhamaanba hawlaha adeeg ee ay uhayso bulshada iyo qaranka somaliland guud ahaan Hadaba hadaynu eegno heshiiska horumarineed ee dekadda berbera u baahantahay waa mid nooceeya Heshiiskase xukuumadu lagashay shirkada DP world ma yahay kaynu u baahnayn Jawaabtu waa maya sababtuna waxaa weeyi marka horeba ninka waxaad leedahay kugula shuraakoobayaa waa inuu wax kugu soo darsadaa heshiiskuna uu kusalaysnaadaa wax isku darsi hadaynu soo qaadano shirkaha soo maray dekadda berbera waxaa jirtay shirkad kuweit laga leeyahay oo wakhtigii xukuumadii Daahir Riyaale timid qorsheheeduna ahaa inay dhisto deked cusub oo aha kontiinar terminal oo aynu ku shuraakawno loona wareejiyo wixii kontiinar ah gabi ahaan teenan horena loo daayo wixii aan kontineero ku jirin ee bagaash ah iyo dhoofka xoolaha nool qorshaasi wuxuu ahaa ka aynu u baahanahay waxaanu ku salaysnaa wax isku darsi balse heshiiskan shirkada Dp World waa mid aad uga duwan ka aynu baahida u qabno waana wixiina nagu wareejiya oo waliba qaybta yarna idinku qaata Waxaa weeyi aan dareeriyo shaqaalaha dekedda intaan anigu doono mooyaane aan duudsiyo muwaadiniintiina iyo xuquuqdooda iyo aan danyartiina ku kordhiyo tacriifada iyo ganacsadiina sanadkiiba laba jeer anaana awood uleh taasina wax aynu aqbali karayno ama ay umada somaliland ee caqliga lihi aqbali karayso maaha waxa iyana jirta mushkilado kale oo ka dhashay heshiiskan kuwaasi oo ah qaabka loo bixinayo qandaraasyada ay bixinayso shirkadu oo ay ahayn inay deegaanku qaybta ugu badan helaan oon waxba laga siin ee loo qoondeeyay cid qoyska madaxtooyada ka soo jeeda iyo cidii ay madaxtooyadu wadato halkii ay ahayd in deegaanku u badsado ama tartan lagaliyo si cadaalada loo waafajiyo waana arimaha sii murginaya ee xaaraanta ka dhigaya heshiishka shirkada DP World  ee aan wax faa iido ah u lahayn qaranka balse faa iido badani ugu jirto qoyska madaxtooyada oo iyadu tuurta kusidata heshiiskan Maqaarsaarka ahHeshiiska dekedda berbera oo noqday duxul danbas huwan

Tan iyo intii aynu dalka dib ugu soo noqonay dekkedda berbra waxaa gacanta ku haysay hadba xukuumada dalka ka jirta oo iyadu sitoosa umaamulaysay Waxaanay ahayd deked shaqaynaysa adeeg ahaana maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraysa hadh iyo habeena u adeegta guud ahaan qaranka somaliland waxaanay ku shaqaynaysay baahi-tirka adeegyada bulshada iyo qarankaba waxaana barbar socatay dayactirka joogta ah ee agabka dekedu ku shaqayso keenista qalab cusub iyo balaadhinta dekeda oo dhamaanba la xidhiidha dhinaca horumarinta dekeda berbera waana ta suurta galisay inay daboosha dhamaanba baahiya adeeg ee bulsha iyo kuwa qaranka somalilandba dekeda berbera waxay ay soo saartaa dakhliga ugu badan ee soo gala dalka waxaana ku yaala kastamka ugu weyn dalka somaliland oo ay kasoo xeroodaan cashuuraha ugu badan ee ay wasaaradda maaliyadu qabato waxaana barbar socota lacagta loo yaqaano port chargeka ama kirada ay dekeddu ka qaado Weelka yimaada dekedda Dakhligan oo dakeddu maamuli jirtay ayaa wakhtigii uu Maxamed Xaashi ahaa wasiirka maaliyada laba loo qaybiyey waxaana laga jaray dekedda 50% boqolkiiba konton lagu shubo qasnada dawlada laguna xareeyo wasaaradda maaliyada iyo 50% boqolkiiba konton ayay dekeddu isku maamusho una isticmaasho balaadhinta dekedda iibsiga iyo dayactirka qalabka mushaherka shaqaalaha iyo wixii kharashaad ay dekeddu isticmaalayso balse looma dayn dekedda lacagtana sidii loogu talagalay uma gasho dekedda ee waxaa si toosa iyo si dadbanba ula maamula madaxtooyada oo u adeegsata sidii hanti ay iyadu gaar u leedahay arintani waata dabarka ku noqotay inay dekeddu horumar balaadhan samayso hadana dekeddu waa mid shaqaysa oo hadh iyo habeenba u heegana kana soo baxda dhamaanba hawlaha adeeg ee ay uhayso bulshada iyo qaranka somaliland guud ahaan Hadaba hadaynu eegno heshiiska horumarineed ee dekadda berbera u baahantahay waa mid nooceeya Heshiiskase xukuumadu lagashay shirkada DP world ma yahay kaynu u baahnayn Jawaabtu waa maya sababtuna waxaa weeyi marka horeba ninka waxaad leedahay kugula shuraakoobayaa waa inuu wax kugu soo darsadaa heshiiskuna uu kusalaysnaadaa wax isku darsi hadaynu soo qaadano shirkaha soo maray dekadda berbera waxaa jirtay shirkad kuweit laga leeyahay oo wakhtigii xukuumadii Daahir Riyaale timid qorsheheeduna ahaa inay dhisto deked cusub oo aha kontiinar terminal oo aynu ku shuraakawno loona wareejiyo wixii kontiinar ah gabi ahaan teenan horena loo daayo wixii aan kontineero ku jirin ee bagaash ah iyo dhoofka xoolaha nool qorshaasi wuxuu ahaa ka aynu u baahanahay waxaanu ku salaysnaa wax isku darsi balse heshiiskan shirkada Dp World waa mid aad uga duwan ka aynu baahida u qabno waana wixiina nagu wareejiya oo waliba qaybta yarna idinku qaata Waxaa weeyi aan dareeriyo shaqaalaha dekedda intaan anigu doono mooyaane aan duudsiyo muwaadiniintiina iyo xuquuqdooda iyo aan danyartiina ku kordhiyo tacriifada iyo ganacsadiina sanadkiiba laba jeer anaana awood uleh taasina wax aynu aqbali karayno ama ay umada somaliland ee caqliga lihi aqbali karayso maaha waxa iyana jirta mushkilado kale oo ka dhashay heshiiskan kuwaasi oo ah qaabka loo bixinayo qandaraasyada ay bixinayso shirkadu oo ay ahayn inay deegaanku qaybta ugu badan helaan oon waxba laga siin ee loo qoondeeyay cid qoyska madaxtooyada ka soo jeeda iyo cidii ay madaxtooyadu wadato halkii ay ahayd in deegaanku u badsado ama tartan lagaliyo si cadaalada loo waafajiyo waana arimaha sii murginaya ee xaaraanta ka dhigaya heshiishka shirkada DP World  ee aan wax faa iido ah u lahayn qaranka balse faa iido badani ugu jirto qoyska madaxtooyada oo iyadu tuurta kusidata heshiiskan Maqaarsaarka ah

maqaalkayna waxaan ku soo gunaanadayaa in aanay goloyaasha sharci dejintu aqbalin Heshiiskaasi maqaarsaarka ah ee xubnaha madaxtooyadu wataan taasi oo keeni karta isku dhac iyo kala jab ku yimaada bulshada iyo xukuumada Somaliland gaar ahaana bulshada gobolka saaxil oo ah kuwo wakhtigan dugsanaya jabaqda iyo dareenka dekeda Berbera ku xeeran kuna foogan ku dhawaaqista wareejinta dekeda berbera taasi oo ka diyaargaroobeen tallada ay qaadan doonan hadii ay dhacdo in la wareejiyo dekeda qaranka Somaliland ugu wayn

Ismaciil Faarax Almis

Hargaysa Somaliland

Jalaqsane1@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here