Heerka Dhul Gariir Ka Dhacay Gacanta Carabta Gaar Ahaan Magalooyinka Xeebaha Putland

0
31

Hargaysa (S N)-

Dhul-gariir Cabbirkiisa lagu qiyaasay 4.9 Halbeegga lagu cabbiro dhul-gariirka, ayaa Salaasadii shalay gelinkii dambe abbaaro 4:30-kii ka dhacay Biyaha Gacan-ka Cadmeed, gaar ahaan meel u dhaw Xeebaha dalka Soomaaliya, kaasoo noqonaya dhul-gariirkii saddexaad ee toddobaadkan ka dhace Deegaan-badeedkaas.

 

dhul-gariir2

Waxaana warbixin kooban sidan ku sheegtay Xarunta Macluumaadka Dhul-gariirrada Heer Qaran ee dalka Maraykanka, Dhul-gariirka, ayaa ka dhacay meel u dhaw Xeebaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, gaar ahaan meel 126-KM dhinaca Woqooyi ka xigtaa magaalada Bereeda ee xarunta gobolka Bari oo ah halka uu ku dhammaado Cidhifka Geeska Afrika oo ka tirsan deegaannada Puntland, halkaasoo ah meesha ugu dhaw goobta dhul-gariirku ka dhacay.

Macluumaadka iyo Xogaha ay baahisay Xaruntan, ayaa lagu sheegay in dhul-gariirku ka dhacay meel Badda hoosteeda ah oo oogada sare ee Badda u jirta masaafo dhan 10-KM.

Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Maamul-goboleedka Puntland, ayaa goobta Dhul-gariirku ka dhacay u jirta 286km, halka magaalada Mukalla ee dalka Yemen ay u jirto 276KM. Hase-yeeshee, lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dhul-gariirkan oo ah 4.9 Magtitude oo ah halbeegga dhul-gariirka lagu cabbiro.

Ubocda Dhul-gariirka, ayaa ah meel ay ku kala-baydhaan Biyaha Badda Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, waana marin mashquul ah oo ay maraan Maraakiibta Ganacsi ee inta badan ku safra Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Illaa Immika ma jiro faahfaahin ku saabsan Dhul-gariirka iyo inuu saamayn ku yeeshay Xeebaha Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Hase-ahaatee, toddobaadkan gudihiisa waa markii saddexaad ee Dhul-gariir laga dareemo Baddaas oo isla goobtaas ah, inkasta oo heerka Cabbirkiisu kala duwanaa, isla markaana kan ugu dambeeyey ugu sarreeyey.

 

berbera2002@gmail.com

Saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here