“Hay’adda WFP Mudanaanta Koowaad waxa ay siisay Dekadda Berbera

0
141

Berbera (Dawan) Mareeyaha dekaddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa sheegay in hay’adda cunada adduunka ee WFP ay dekadda Berbera siisay mudnaanta koowaad, isla markaana ay ka dhigatay dekadda koowaad ee ay soo marsiiso wixii ay sido.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dekadda uu ku soo xidhay Markabkii u weyna oo sida raashin ay leedahay hay’adda WFP, kaas oo dhan 53-kun oo Mitirigtan, waxaanu xusay in ay tahay guul Somaliland u soo hoyatay.

Maareeye Siciid waxa uu sheegay in ay qabaan kalsooni ay ku qaabili karaan Maraakiibta waa weyn ee adduunka u kala gooshta.

Waxaanu yidhi.“Waxa farxad noo ah in aanu qaabilo Markabkii ugu weyna ee siday raashin ay leedahay WFP, kaas oo ah 53kun oo Mitirgtan ah, waa guul horleh oo ay dekadda Berbera gaadhay.

Markabkan dhererkiisu waa 190 mitir, balaciisuna waa 32 mitir, Daraafkiisuna waa 13, waxa aanu hiigsanayna in aanu qaabilo Maraakiibta waa weyn ee adduunka u kala gooshta, maadama Daarafka dekaddu 16 ilaa 17.5 uu yahay, waxaanu rajeynayna in Markabkan Markabka xiga uu noqdo 70-kun oo Mitirig tan, WHF waxa ay dekadda Berbera ka dhigatay ta ugu mudan, waana guul u soo hoyatay Qaranka Somaliland,”

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here