“Kormeerrada Madax-taabashada ah waxaanu uga dan leenahay inaanu helo tirada rasmiga ah ee Shaqaalaha Dawladda Somaliland, si aanu markaa u aragno waxa lacag bilaash ah qaata..” Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Prof. Maxamed Mixille Boqorre
Hargeysa(Saxilnews.com)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa Shalay bilowday Hawl-gal ku kala hufeyso Shaqaalaha Dawladda ee rasmiga ah iyo kuwo sifooyinka aan Sharciga ah Mushaharaadka ku qaata.
Hawl-galkan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Proff, Maxamed Mixile Boqorre oo uu wehelinayo Agaasimaha guud ee Hay’addaas isla-markaana qayb ka ah qorshaha dib loogu habeynayo Shaqaalaha Dawladda, waxa Shalay lagu bilaabay 9 Wasaaradood oo ka mid ah kuwa Dawladda waxaana kooxo hay’adda Shaqaalaha Dawladdu u kala dirtay Wasaaraduhu bilaabeen kormeer shaqaalaha Wasaaradahaas mid mid loogu hubinayo, iyada oo Guddoomiyaha iyo Agaasimaha guud ee Hay’addu shaqaaluhuna ay sidaas oo kale mid mid u soo mareen 9-ka Wasaaradood.
Agaasimaha hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland Xasan Aadan Geeddi oo ka hadlay ujeeddada laga leeyahay kormeerrada noocan ah, ayaa yidhi, “Kormeerka Wasaaraduhu waxa weeyaan inaanu Madax taabasho ku samayno Shaqaalaha Dawladda Somaliland, Madax taabashadaas oo aanu uga dan leenahay inaanu ku kala sifeynno Shaqaalaha, Maxaa dhintay, Maxaa iska tagay, markaa Wasaaradaha aanu ku bilownay hawshoodu waxay soconaysaa Saddex Maalmood Haddii ILLAAHAY yidhaahdo.”
Prof, Maxamed Mixile Boqorre oo Kormeerkan lagu kala hufayo Shaqaalaha Dawladda ka dib Xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta, ayaa isaguna faahfaahiyey ujeeddada laga leeyahay kormeerrada iyo hubinta lagu samaynayo Shaqaalaha Dawladda Somaliland, waxaanu yidhi, “Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxay bilowday shaqadii Madax-taabashada Shaqaalaha Dawladda, annaga oo fulinaya oo ka duulayna waanadii iyo Wareegtadii uu Madaxwaynuhu soo saaray ee ahayd in dib u habeyn lagu sameeyo Shaqaalaha Dawladda Somaliland. Madax-taabashada Shaqaalaha Dawladda waxaanu ka bilownay 9 Wasaaradood.”
Guddoomiye Mixile oo sii hadlaya ayaa sheegay, “Qorshahaygu waxa weeyaan inaanu Saddex maalmood ku dhamayno 9-kaa Wasaaradood oo aanu toban Wasaaradood oo kalena ku xigsiinno oo aanu marka hore Shaqaalaha Wasaaradaha Dawladda ee Xarumaha jooga dhamaynno (Hubintooda), markaas ka dib ayaanu u bixinaynaa Gobollada iyo degmooyinka Dalka.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey; “Kormeerrada Madax-taabashada ah waxaanu uga dan leenahay inaanu helo tirada rasmiga ah ee Shaqaalaha Dawladda Somaliland, si aanu markaa u aragno waxa ka maqan iyo wax lacag bilaash ah qaata, waxa Sariir-yaalka ah ee Xanuunsanaya, qofka aanu weynana waanu ka saari doonaa.
Saxilnews.com