Laascaanood (Saxilnews) Hay’ada Shaqaalaha dawlada Somaliland ayaa xarunta jaamacada Nugaal ku qabatay imtixaan laga qaadayo 30 qof oo heer jaamacadeeda, kana mid noqon doona shaqaalaha dawlada .
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawlada Jamhuuriyadda Somaliland miudane Sharma’arke Muxumed Geelle oo ka hadlay goobtii shaqaalahan la qaadanayay imtixaanka lagaga qaadayay ayaa sheegay inuu yahay mid ay cadaaladi ku dheehan tahay kana madhan eex iyo qabiil.
Kitaab ayuu gacanta u saaray Sharma ‘arke Barayaaasha qaadaya imtixaanaadka lagu kala saarayo ardaydan
“Inaad u qaadi doontaan Imtixaankan Si Cadaalad ah oo Alle idinku ogyahay ma Idinku Wallaahi Baa Ma Idinku Billaahi Baa Oo alle idinku ogyahay”