Hayada HOVOYOCO Oo Jidka U gashay Gurmad Biyo dhaamis Ah Oo Hayada OXFAM Ay U Fidisay Deegaamo Hoos Yimaada Degmada Waridaad Iyo Maayarka Degmadaasi oo Ka Hadlay

0
16

Hargaysa( Saxilnews.com) Deegaano Hoos Yimaada Degmada Waridaad ee Gobolka saraar waxaa laga Soo Sheegayaa Biyo baahsan oo Ka Dhalatay abaaraha Saameeyey Deegaamada Bariga Somaliland Kuwaasi oo ay ugu Darsantay Musuqmaasuq iyo Wax isdaba Marin ku Aadan Gurmadka La Gaadhsiinayo Dadkaasi oo Ay jidka u Galeen Dadkii la Filayay inay Masaakiinta Jilicsan Dar Ilaahay wax u gaadhsiiyaan iyadoo la sheegayo inay Quudareeyeen Deeqaha Biyaha ah ee Dadkaas loogu Talo9galay

Hayada Oxfarm Xafiiskeeda Magaalada Burco ayaa naloo Xaqiijiyay inay Deegaanka Muguca oo Dhowr Km U Jirta Degmada waridaad Kagana Beegan Dhinaca Koonfureed ay Ugu Deeqday Biyo Dhaamis Balaadhan Oo ay ugu Gurmanayso Masaakiinta abaaraha La Tabaalaysan Tan iyo Inta La Arki Doono Raxmaadka Eebe iyo Roobabka Guga

Hayadan Dadka Tabaalaysan u Gurmatay Ayaa lasoo Sheegayaa inay u Wakiilatay sidii Ay Biyahaasi u Gaadhsiin Lahaayeen Urur NGO ah oo lagu Magcaabo HOVOYOCO kuwaasi oo Maamulkoodu ay Jidka u Galeen Biyihii Macaanaa ee Dadkaas Jilicsan loogu talogalay waxaana Arintani Noo Xaqiijiyay Maayarka degmada Muguca oo hoos timaada Waridaad

Maayarka Oo Khadka Telefoonka Noogu Waramay Ayaa ka Dayriyay Xaalada Dadka iyo Deegaanka Waxaana uu Sheegay in Ay tahay wax laga Xumaado in dadka Jilicsan wixii loogu Talogalay ay Soo dhaafi Waayaan Dadkii loogu soo Dhiibay Sida Hayada HOVOYOCO

Ibraahin Xariir Diiriye oo Ah Masuulka Ama gudoomiyaha Hayada Hovoyoco ee Deegaamada Bariuga Ayaa Uu Gudoomiyaha Degmada Mugucu Cabdilaahi Jaamac Cawed ku Eedeeyey inuu Lunsaday isla markaana Jidgooyo u Galay Biyo Dhaaminta Ay Hayada Oxfarm u Wakiilatay Waxaana uu yidhi

“Hayada Oxfam Waanu uga Mahad celinaynaa Biyo Dhaaminta Ay Deegaanka Muguca Ka Samaysay Iyadoo ugu talogashay inta roobabka iyo Raxmaadka Ilaahay Curanayaan Dadkaasi Masaakiinta Ah Loo Sameeyo Biyo Sidii loo gaadhsiin lahaa Waxayna usoo Wakiilatay Hayada Hovoyoco Balse waxaa ay Balaayoba Ka taagan tahay in Masuulkii Gudoomiyaha ka ahaa Hovoyoco oo lagu Magcaabo Ibraahin Xariir Diiriye Jidka u Galay oo leexsaday Isla Markaana Lacagtii Biyaha lagu Dhaamin lahaa uu Meelo kale u Leexsaday dadkii Balanka ay hayadaasi ka qaadayna ay Tebayaan Wixii loo sheegay waxaana aanu ka Codsanaynaa Madaxda Sarsare ee Hayada Oxfarm inay Si naxariis leh Arinkaasi Wax uga Qabato iyadoo ku Mahadsan Sidi ay Dadka Abaaraysan ee biyo La’aantu Hayso uga Naxday “Ayuu Yidhi

Gudoomiyaha Deegaanka Muguca Cabdilaahi Jaamac CAwad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here